Allbanaadir.com
MUQDISHONEWS

DEG DEG: Guutooyin ka tirsan Milateriga Somaliland oo u soo dhaqaaqay Laascaanood

Ciiidamo fara badan oo ka tirsan milateriga Somaliland ayaa la soo sheegayaa iney caawa u soo dhaqaaqeen dhinaca magaalada Laascaanood ee gobolka Sool.

Wararka ayaa sheegaya in ciidankan oo wata gaadiid kala duwan oo kuwa dagaalka ah ay ka soo talaabeen degaanka Oog.

Madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi oo maanta shir jaraaid ku qabtay magaalada Hargeysa ayaa wacad ku maray in ciidamadiisu ay ka aargudan doonaan xoogaga SSC ee shalay ka soo saaray nawaaxiga magaalada Laascaanood jabka xooggana gaarsiiyey.

Ciidamada Somaliland ayaa jab aad u xoogan waxaa uu ka soo gaaray dagaalkii shalay ka dhacay duleedka magaalada Laascaanood, waxaana looga qabsaday saldhigoodii ugu weynaa ee Goojacadde, hub fara badan oo gaadiid dagaal u badan ayaa laga furtay, askar badana waxay noqdeen wax dhintay, wax dhaawacmay, kuwo firxaday iyo qaar maxaaiis ahaan loo qabsaday.

Warka ciidamada Somaliland ee duulaanka soo ah ayaa caawa gaaray magaalada Laascaanood, waxaana socda abaabul xoogan oo xoogaga SSC ku doonayaan iney iskaga caabiyaan duulaanka ku soo wajahan.

Related posts

Wasiir Oomaar: “DF ayaa u fasaxday Ethiopian Airlines iney ka degto Hargeysa”

Caydiid Ali

Caro ka dhalatay siyaasi Kenyaan ah oo gabar Soomaali ah ku qasbay inay laabta galiso (Sawirro)

Cabdi Cade

Daryanka rasaasta iyo Madaafiicda oo mar kale laga maqlayo Laascaanod

Caydiid Ali