Wasiir Oomaar: “DF ayaa u fasaxday Ethiopian Airlines iney ka degto Hargeysa”

Dayuurad ay leedahay shirkadda Ethiopia Airlines ayaa maanta ka degtay magaalada Hargeysa ee maamulka Somaliland xili dowladu sheegtay in gebi ahaan la joojiyey duulimaadyada caalamiga ah ee dalka yimaada muddo 15 cisho ah si looga hortago cudurka Coronavirus ee caalamka ku faafaya.

Duulimaadka dayuuradan ayaa hadal heyn badan ka dhaliyay baraha bulshada iyadoo dad badan oo Soomaali ah ay shirkadda Ethiopian Airlines ku eedeeyeen iney ku xad gudubtay madax banaanida Somalia ayna baal martay amarkii DF.

Hase ahaatee Wasiirka Gaadiidka iyo duulista hawada ee xukuumada Somalia mudane Maxamed Cabdullaahi Salaad oo caawa la hadlay warbaahinta dowlada ayaa sheegay in diyaaradda Ethiopia Airlines ee maanta ka degtay garoonka diyaaradaha magaalada Hargeysa ay heysatay ogolaansho ay siisay dowladda Soomaaliyeed.

“Sida aad la socotaan Wadanku waxaa uu leeyahay sharuuc shuruucdaasina wadanka oo dhan ayay qabataa diyaaradda Ethiopan Airlines Hargeysa iyo meelaha kale ee ay ka dageyso waxay ogolaansho uga haysataa dowladda Soomaaliyeed” ayuu yiri wasiir Oomaar.

Somaliland oo sheegata iney tahay dal ka madax banaan Somalia balse aan caalamka weli laga aqoonsan ayaa marar badan ku celcelisay in hawadeeda aan laga xukumin magaalada Muqdisho, iyadoo dacwado arrrintaas la xiriira u gudbisay heyaddaha QM u qaabilsan maamulka hawada caalamka.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia

Allbanaadir@live.com

- Advertisement -