Allbanaadir.com
MUQDISHONEWS

Toban qof oo ku dhintay shil yaab leh oo ka dhacay Kuala Lumpur (Sawirro)

Diyaarad yar oo gaar loo leeyahay ayaa ku dhacday mooto iyo baabuur xilli ay doonaysay inay ku degto garoon diyaaradeed oo ku yaalla duleedka caasimadda Malaysia ee Kuala Lumpur, waxaana ku dhintay ugu yaraan 10 qof, sida ay saraakiishu sheegeen.

Diyaarad nooceedu yahay Beechcraft Model 390 (Premier 1) oo ah diyaarad ganacsi oo fudud, ayaa siday lix rakaab ah iyo laba shaqaale ah, waxayna ku burburtay meel u dhow degmada Ceelmina 2.08 duhurnimo.

Taliyaha bilayska Selangor Hussein Omar Khan ayaa u  sheegay warfidiyeenka in Dayaaradda ay lumisay xiriirkii ay la lahayd Taawarka laga hago hawada, waxaana ay ku dhacday mooto iyo gaari wadada weyn marayey.

“Ma jirin wax wicis degdeg ah, diyaaradda waxaa la siiyay fasax ay ku degto,” ayuu yiri Xuseen Cumar. Hawlgal baadi goob iyo samatabbixin ayaa socda.

Maamulka duulista rayidka ah ee dalkaas ayaa sheegay in duullimaadka uu ka soo ambabaxay jasiiradda fasaxa ee Langkawi, waxaana ay ku sii jeedday garoonka Selangor ee Sultan Abdul Aziz Shah ee u dhow magaalada caasimadda ah ee Kuala Lumpur.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Prof. Geeddi: “Mucaaradka loogama baran dibed-bax nabad ah ee haka waantoobaan”

Caydiid Ali

Faahfaahin: Qaraxyo ciidamada DF iyo kuwo Maraykan ah lagula eegtay Sh/hoose

Caydiid Ali

Wasiir Carab oo sheegay inuu halis ku jiro Imtixaankii shahaadiga ee sanadkan

Caydiid Ali
Taboola Ads ---