Allbanaadir.com
JUBALANDNEWS

Wasiir Carab oo sheegay inuu halis ku jiro Imtixaankii shahaadiga ee sanadkan

Wasiirka Wasaaradda Waxbarshadda Hiddaha iyo Tacliinta Sare ee Somalia Abdullahi Abukar Haji, ayaa daah furay Qorshaha Waxbarashadda Qaranka ee 5ta Sano ee soo Socota, 2022-2026.

Wasiirka ayaa sheegay in Qorshaha Waxbarshadda Qaranka oo ay diyaarintiisu socotay muddo ku dhaw sanad iyo barĀ  (16Bilood), uu yahay kii labaad ee ay diyaariso Wasaaradda Waxbarashadda muddo ka badan 30 Sano, Sidoo kale waa qorshihii ugu horeeyey ee ay hogaamisoĀ  wasaaradda.

“Qorshahan wuxuu mudnaanta koobaad Siinayaa baahiyaha Waxbarshadda dalka, waxaana ku qeexan muhiimadaha ay kala leeyihiin qeybaha Waxbarshadda ee Kala ah: Waxbarsho loo siman yahay iyo Waxbarasho tayo leh” ayuu yiri wasiirka

Dhinaca kale, Wasiirka ayaa sheegay in Wasaaradda Waxbarashada ay wajahayso dhaqaale la’aan baahsan oo sababi karta in sanadkaan aysan dowladu qaadin Imtixaankii shahaadiga ee Dugsiga sare

Wasiir Carab ayaa xusay in Wasaaradda lagu leeyahay lacagihii sanadkii hore ee lagu qaaday imtixaanka, kadib markii Wasaarada Maaliyada laga waayay lacagahaas haatana aysan jirin deymo kale oo laq heli karo

Related posts

Xogta kulan Wasiir Fiqi la qaatay Wakiilka Q/Midoobay ee Somalia Catriona Laing (Sawirro)

Caydiid Ali

Mareykanka oo dacwado culus kusoo oogay hoggaamiyaha Xamaas

Cabdi Cade

Walaac xooggan oo lasoo darsay Ra’isul Wasaare Abiy Axmed

Cabdi Cade
Taboola Ads ---