Prof. Geeddi: “Mucaaradka loogama baran dibed-bax nabad ah ee haka waantoobaan”

RW hore ee Somalia Cali Maxamed Geeddi ayaa ka digay banaanbaxa ay mucaaradka DF ku baaqeen iney Jimcaha soo socda ku qabanayaan magaalada Muqdisho, kaasoo lagu dalbanayo in kursiga baneeyo Madaxweynaha muddo xileedkiisu dhamaaday ee Somalia Maxamed C/llaahi Farmaajo.

Prof. Geeddi ayaa sheegay in mucaaradka aan looga baran banaanbaxa nabadeed balse ay ku caan ku yihiin handadaad iyo dhaar.

“Bannaanbaxa la sheegayo ee Jimcaha soo socda ka qorshaysan barxadda taallada Daljirka Dahsoon ee Muqdisho ma mid nabadeed baa mise waa mid rabshado wata ? Mucaaradka loogama baranin wanaag iyo wax nabad ah balse waxay caan ku yihiin dhaar aan loo meel dayin, wixii dhaca waa la arki doonaa, hanjabaado iyo baacsi been ah waqtiyadoodii waa la soo dhaafay” ayuu yiri Prof. Geeddi.

RW hore ayaa ugu baaqay siyaasiyiinta mucaaradka ineysan khal khal gelinin aniga guud iyo xasioonida dalka, hadii ay xukun doonayaana isku diyaariyaan doorashada dalka laga qaban doono dhowaan.

“Dalkaan iyo dadkaan Soomaaliyeed cid rabshado ku samayn karta ma jirto oo waxaan heegan ah hay’ado amni oo ummadda u adeega. Haa waxaa lagu jiraa waqti kalaguur ah, siyaasigii damac ku jiro ha u diyaar garoobo tartan iyo doorasho, aragtidiisana ha ka iibiyo shacabka Soomaaliyeed balse ha ka waantoobo xasarad abuurid iyo awrkacsi. Maamulka Gobolka Banaadir iyo ciidamada amniga waxaa looga fadhiyaa sugidda amniga iyo ilaalinta nabadgelyada” ayuu yiri Prof. Cali Maxamed Geeddi oo lagu tiriyo inuu ka mid yahay siyaasiyiinta ku dhow Madaxweyne Farmaajo.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

- Advertisement -