Canug yar oo markii ugu horeysay ka qeyb galaysa shirweynaha QM & Sababta ka dambeysa (Sawirro)

Raisul wasaaraha New Zealand Jacinda Ardern ayaa khudbadeedii ugu horreysay ka jeedisay shir madaxeedka Qaramada Midoobay ee magaalada New York waxaana ku wehlisa gabadheeda 3 bilood jirka ah, waana markii ugu horreysay ee shirka QM uu cunug yar ka qeyb galo.

Ms Ardern ayaa ciyaarsiineysay gabadheeda yar maalintii isniinta ee shalay, wax yar ka hor inta aysan u soo istaagin khudbadda ay ka jeedisay fadhiga guud ee Qaramada Midoobay.

Ninka iyada lamaaneheeda ah ee lagu magacaabo Clarke Gayford, oo ula socda si uu ula xannaaneeyo Neve, ayaa dhabta ku sii hayay gabadha yar, intii ay hooyadeed khudbadda jeedineysay.

Jacinda Ardern ayaa ah hogaamiyihii labaad ee ay shacabka doorteen, oo umushay iyadoo wali xilka haysa.

khudbaddeedii ugu horreysay ayay ku daah furtay shir nabadeedka Mandela, halkaasoo ay uga hadashay sida uu hogaamiyihii hore ee Koonfur Africa “saameynta uga lahaa” dalkeeda gudihiisa.

Ra’iisul wasaaraha New Zealand ayaa hadda naaska nuujineysa gabadheeda saddex bilood jirka ah, waxayna taasi kallifeysaa iney ilmahan yar u soo kaxeyso safar caalami ah oo ay ku maqnaaneyso muddo lix maalmood ah.

Gabadha yar ayaa loo sameeyay kaar la mid ah kuwa ay dadka ku galaan xarunta Qaramada Midoobay.

Ra’iisul wasaaraha ayaa warbaahinta u sheegtay inay iyadu shakhsi ahaan u bixinayso kharashka ku baxaya safarka lamaaneheeda, si uu gabadha ugu xannaaneeyo xilliyada ay mashquulka gasho.

Ms Ardern ayaa shaqada xafiiskeeda dib ugu laabatay horraantii bishii Agoosto, ka dib markii ay soo dhameysatay “lixdii isbuuc ee ugu dhasiyaha badneyd nolosheeda” oo ay ku maqneyd fasaxa dhalmada.

“Ra’iisul wasaare Ardern waxay muujineysaa inuusan jirin qof ka fiican hooyo dalkeeda mataleysa” ayuu yiri afhayeenka Qaramada midoobay Stephane Dujarric oo la hadlayay wakaaladda wararka ee Reuters.

AFP_19E3JZ

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia

Allbanaadir@live.com

- Advertisement -