Itoobiya oo dadkii ugu badnaa xirxirtay tan & markii uu xukunka la wareegay Abiy Ahmed

Itoobiya ayaa sheegtay iney xabsiga dhigtay dad ay tiradooda gaareyso 1,200 oo ruux, kuwaasoo lala xiriiriyay iney ku lug leeyihiin qalalaasihii siyaasadeed ee billowday labo usbuuc ka hor, sida ay booliska sheegeen.

Waa xarigii ugu faraha badnaa ee la sameeyo tan iyo markii uu bishii Abriil xukunka la wareegay Ra’iisul wasaaraha is beddel doonka ah Abiy Ahmed.

Ugu yaraan 28 ruux ayaa ku geeriyootay isku dhacyada ka socday agagaarka magaalada caasimadda ah ee Addis Ababa, ka dib markii ay 15-kii bishan dalkaas dib ugu aabteen hogaamiyeyaasha kooxdii horay fallaagada u ahaan jirtay ee Oromo Liberation Front (OLF).

Hay’adda xuquuqda aadanaha u doodda ee Amnesty International ayaa dalbatay in maxaabiista la sii daayo.

Marka laga soo tago dadka loo xiray qalalaasaha awgiis, dad ay tiradooda gaareyso 1,400 ayaa xabsiyada loo taxaabay ka dib markii weerarro lagu qaaday goobaha lagu ciyaaro khamaarka, shiishadda lagu cabo ama lagu cuno Qaadka.

Dhibaatada ayaa billaabatay 13-kii bishan Siteembar, xilli ay taageerayaasha OLF calammadooda sureen qeybo ka mid ah caasimadda. Tallaabadaas ayay qaar ka mid ah dadka deegaanka u arkeen isku day ay kooxda OLF ku dooneyso iney kula wareegto gacan ku heynta magaalada Addis Ababa.

Taageereyaal iska soo hor jeeda ayaa markaas ka dib sameeyay isku dhacyo horseeday in la xiro qeybo ka mid ah ganacsiyadii magaalada.

Qalalaasaha ayaa sii xumaaday labo maalmood ka dib, waxaana lagu dilay 28 ruux, sida ay warbaahinta ka soo xigatay Jeneraal Degfie, isagoo arrintaas sheegaya.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia

Allbanaadir@live.com

- Advertisement -