Qarax ka dhacay magaalada Muqdisho & gaari lagu rasaaseeyey degmada Afgooye

Qarax ayaa ka dhacay meel ku dhow isgoyska Ex-Control Afgooye ee magaalada Muqdisho, kaasoo geystay khasaare nafeed.

Qaraxan oo loo adeegsaday miinada dhulka lagu aaso ayaa waxaa loogu diyaariyay bar kontorol oo ciidanka dowladdu ku leeyihiin meel aan ka fogeyn Ex-control Afgooye.

Goob joogayaal ayaa xaqiijiyey in qaraxaasi uu ku geeriyooday hal askari, laba kalena ay ku dhaawacmeen, waxaana ciidankan ay ka tirsanaayeen booliska Soomaaliya.

Ciidamada ammaanka oo wax yar ka dib gaaray goobta uu qaraxa ka dhacay ayaa halkaas ka sameeyey baaritaano kala duwan.

Al-Shabaab ayaa sheegatay qaraxan inay ka dambeeyaan, isla markaana khasaare kala duwan ciidanka dowladda ay ugu geysteen, iyadoo dhinaca kale saraakiisha dowlada aysan ka hadlin qaraxan.

Dhinaca kale ciidamo la sheegay inay ku lebisnaayeen dareyska ciidamada milateriga ayaa rasaas ku furay Gaari ay dad shacab ah la socdeen oo siday Qaad, Gaarigan ayaa xilliga rasaasta lagu furayay ku socdaalyey inta u dhaxeysa Baar Ismaaciil iyo Taraafikada.

Gaariga ayaa rasaas lagu furay markii darawalka uu diiday inuu u istaago ciidamada, iyadoo uu rasaasta ku dhintay Darawalkii Gaariga oo ku sii jeeday degmada Afgooye, halka qof kale uu ku dhaawacmay.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia

Allbanaadir@live.com

- Advertisement -