Ciidamada uu tababaray Mareykanka ee Afgaanistan ayaa si dhaqso ah u burburay, kaddib markii ay u awood sheegteen xoogaga Taliban. Guluf dagaal socday muddo 20 sanno ayaa ku soo idlaaday in Afganistan markale u gacan gasho Taliban.
Madaxweyne Ashraf Ghani iyo ku-xigeenkiisa ayaa Kabul iskaga cararay, ciidamaddii Afganistan ayaa baneeye xarumahoodii, iyagoo aysan burburin ama la bixin hubkii loo siiyey inay ku muquuniyaan kacdoonka Taliban.
Fashilka siyaasadda Maraykanka ee ku wajahneed Afganistan waxay xiisad ka dhex abuurtay gudaha Maraykanka, gaar ahaan labada xisbi ee ku loolama hoggaaminta Maraykanka. Waxaa hubaal ah, in doorashooyinka la qabto “xiliga dhexe iyo tan xigta ee Aqalka cad” ay xudunta doodda noqon doonto sida loo maareeyey “hawlgalka Afganistan”.
Dagaalka Maraykanka uu ku qaaday Afganistan waxay aheyd cadho ka dhalatay weerarkii masiibada ahaa ee September 11, 2001 kaasoo ay sheegteen Alqaacida.
Isbahaysiga NATO ee uu hoggaaminaye Marykanka waxuu xukunka ka tuuray Taliban oo gabaad siisay hoggaamiyaasha Alqaacida, kaddibna waxay dhiseen dowlad aan ku imaan rabitaanka dadka reer Afganistan. Waxaa dowladaas Madax looga dhigay Hamid Karzai.
Hamid Karzai, iyo Ashraf Ghani oo xukunka kaga danbeeyey, labaduba xiriirkii ay la lahaayeen NATO iyo Mareykanka wuxuu ahaa mid aan u socon jiho sax ah, oo badbaadin kartay qaranka Afghanistan.
Haddaba maxaa fashiliyey howlgalkii ay garwadeenka ka aheyd NATO, iyo weliba xukuumaddii Afghanistan?
Ma fududa in si dhib yar loo fahmo guuldarrada howlgalkii NATO ee Afghanistan, waxaase jira dalab baaritaan si loo ogaado xaqiiqda dhabta ah, si cashar ay ugu noqoto howlgaladda mustaqbalka. Balse waxaa jira saddex qodob oo banaanka yaalla taasoo saldhig u ah guuldarradda NATO:
1 – Siyaasadeen gargaarka dibadda
Kaddib, markii lagu suntay dowladda Afghanistan musuqmaasuq, reer galbeedka waxay hakiyeen deeqdii sida tooska ah loo siinayey dowladda Afghanistan. Fursad waxaa la siiyey 18,000 qandaraas qaatayaal, iyo hay’addo aan hoos imaan dowladda si ay u maamulaan deeqaha dibadda.
Hay’adaha loo gacan geliyey kaalmada caalamiga uma maamulin si hufan, oo waxtar leh. Taas waxay horseedday tabardarida dowladda dishayna shacbiyadeeda mana wanaajin nolosha dadka reer Afghanistan.
Jason Dempsey oo ah ku-xigeenka hay’adda Xarunta Nabadgelyada Cusub ee Mareykanka (CNAS), horeyna la-taliye ugu noqday ciidanka Afganistan ayaa yiri “waxaan tababarnay ciidan aan qaran laheyn” (NPR August 15, 2021).
Aragtida uu qabo Dempsey waxay u muuqataa mid dhextaala Aqalka Cad. Madaxweyne Joe Biden oo sababeenaya fashilka ayaa yiri “Hawlgalka Afghanistan marna ma ahayn dhisidda qaran ama abuurista dimoqraadiyad ee wuxuu ahaa la dagaalanka argagixisada” (C-SPAN August 16, 2021).
2 – Go’doomin siyaasadeed
Maamulkii Trump ayaa wadahadal ay dibad-joog ka tahay dowladda Afghanistan la furay Taliban, taasoo ka dhigan in Xulufada NATO ay si dadban ugu aqoonsadeen in Taliban tahay maamulka sharciga ah ee ka jira Afganistan.
Maraykanka & NATO waxay dhagaha ka furaysteen dalabka Madaxweyne Ashraf Ghani ee ahaa in wadaxajoodka lala furay Taliban ay door ku yeelato xukuumadiisa.
Balse Ashraf Ghani oo ka xun sida ay ula dhaqmeen Xulafada NATO ayaa la soo baxay shax siyaasadeed dalkiisa ka badbaadisay dagaal sokeeye, islamarkaasna jahawareerisay madaxda NATO, oo filayey in lagu dhex dagaallami doono Kabul.
3 – Qalalaaso siyaasadeed
Ashraf Ghani waxuu xambaarsanaa aragti siyaasadeed taasoo laga dheehan karay buugiisa “Fixing failed states”. Waxaase fulinta qorshayaashiisa ku horgudbanaa xoogag gudaha ka jiray oo si weyn u abaabulan, uuna hormuud u yahay Cabdalla Cabdalla oo heytay taageerada NATO.
Niyad jab
Khilaafka siyaasadda, weerarada Joogtada ah ee Taliban, iyo xukuumad fadhiid ah, waxay niyad jab ku abuureen dadka reer Afghanistan oo ay ku jiraan ciidamada. Waxaa gebi ahaanba meesha ka baxday taageerada shacabka, iyo tan ciidanka ay u hayeen xukuumadda, taasoo horseeday in si lama filaan ah ay muddo gaaban Afghanistan u gacan gasho Taliban.
Su’aasha taagan ayaa ah: Waxa ka dhacay Afghaanistaan ma ka dhici karaan Soomaaliya?
Jawaabta aad ayay u adag tahay, laakiin labada dal waxaa ka jira mushkiladdo isku wada mid ah sida:
- Siyaasadeenta gargaarka dibadda.
- Diidmada wakiilo si dhab ah u matala danaha shacabka.
- Awood siinta qabqablayaasha goboladda, si loo daciifiyo dawladda dhexe.
- Tababarida ciidamo aan hoos imaan Wasaaradda Gaasjaandhiga.
- Abuurista kooxo si weyn u abaabulan oo heysta taageerada diblamaasiyiinta fadhida Xalane, kuwaasoo curiya rabshado dhiig ku daata. Baas-abuuradan ayaa in badan oo ka mid ah heysta Jinsiyadda Galbeedka.
Maamul-wanaaggu waa halbeega lagu qiimeeyo sida hay’adaha dawliga u fuliyaan adeega dadweynaha, uguna maamulaan hantida shacabka si hufan, balse, taas waxaa ku horgudban faragellin dibadeed iyo qowlaysato gudaha oo iskaashaday, waxuuse xalku ku jiraa hirgelinta doorasho qof iyo cod ah, si aysan u lumin danaha qaran.
Dhanka kale, waa inay isbahaysiga galbeedka garwaaqsadaan in danahooda aysan ku ilaashan karin fawdo laga abuuro Soomaaliya, balse danta Soomaaliya iyo toodaba ay ku jirto Soomaaliya oo degan lehna dowlad dadka ay raali ka yihiin.
W/Q Saciid Cabdisalaam
Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com