Allbanaadir.com
MUQDISHONEWS

Dowladaha Somalia & Qatar oo kala saxiixday heshiisyo (Daawo Sawirro)

Dowladdaha Soomaaliya iyo Qatar oo xiriir wada shaqeyn wanaagsan uu ka dhaxeeyo ayaa Magaalada New York ee Dalka Mareykanka waxay ku kala saxiixdeen seddex heshiis oo lagu hormarinayo Dhalinyarada Soomaaliyeed.

Heshiisyadan ayaa u suuragelinaya in lagu awood siiyo dhaqaale ahaan dhalinyarada Soomaaliyeed, iyadoo laga abuurayo 75,000 fursado shaqo gudaha dalka Soomaaliya.

Munaasabada lagu kala saxiixday Heshiisyadan Waxaa goobjoog ka ahaa danjire Axmed Ciise Cawad, Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya iyo Marwo Shiikha Moza bint Nasser, Guddoomiyaha Golaha Xoghayeyaasha Hey’adda Silatech.

Sheekh Tamim bin Hamad Al Thani oo ah Amiirka Dalka Qatar ayaa dhowaan saxiixay labo Heshiis oo ay horey u wada galeen Dowladaha Soomaaliya iyo Qatar kuwaasoo la xiriira Mashaariicda adeega Duulimaadka iyo Caafimaadka.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia

Allbanaadir@live.com

Related posts

Dowladda Soomaaliya oo Ammar kasoo saartay Habraaca kala wareejinta Gaadiidka

Cabdi Cade

Duqa Muqdisho oo Saraakiisha amniga kala hadlay Weerarkii Ciyaartoyda K/G (Sawirro)

Cabdi Cade

Milatariga Eritrea oo ku laabtay Gobolka Tigrey iyo Mareykanka oo ka hadlay

Cabdi Cade
Taboola Ads ---