Allbanaadir.com
NEWS

Qaramada Midoobay oo taageero u ballan-qaaday Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya

Guddoomiyaha Golaha Shacabka Baarlamaanka JFS Mudane Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe) ayaa Xafiiskiisa ku qaabilay Ergeyga gaarka ah ee u qaabilsan Qaramada Midoobay ee Soomaaliya Marwo Katriona Laing iyo wafdi ay hoggaamineysay.

Ergeyga oo marka hore warbixin ka siisay booqashooyinkii ay ku tagtay maamul gobaleedyada dalka ayaa waxay Guddoomiyaha la wadaagtay sida loogu taageeri lahaa arrimaha horumarinta dalka, xoojinta dagaalka lagula jiro Al Shabaab oo meel wanagsan maraya. Sidoo kale waxay xustay sidii Baarlamaanka kaalin uga qaadan lahaa war-murtiyeedkii Golaha Madasha Wada-tashiga Qaranka.

Dhanka kale Marwo Katriona ayaa adkeeysay ahmiyadda ay leedahay taageerada Baarlamaanka iyo sidii loogu taageeri lahaa tayaynta khibrada Xildhibaannada iyo howlwadeennada.

Guddoomiyaha Golaha Shacabka BJFS oo gunnaanadka kulanka boggaadiyay shaqada baaxada leh ay u heeyso Qaramada Midoobay taageerada joogtada iyo kor u soo qaadida nabada iyo xasiloonida dalka, waxaana uu tilmaamay in Baarlamaanka Soomaaliya uu ka shaqeyn doono waxkasta oo dan u ah qaranimada iyo horumarka Shacabka Soomaaliyeed.

Related posts

Nin adeer u ah Madaxweynaha Suuriya oo Xukun xabsi ah lagu riday iyo Hantidiisa oo…

Cabdi Cade

Hadal heyn ka dhalatay Booqasho lama filaan ah uu Abiy ku tagay xerada Saawa (Sawirro)

Cabdi Cade

Siyaasi caan ah shaki galiyay waxa looga hadlay kulankii Xasan Sheekh iyo William Ruto

Cabdi Cade
Taboola Ads ---