Allbanaadir.com
NEWS

Q/Midoobay oo balan-qaad culus u sameysay taliska ciidanka XDS (Daawo Sawirro)

Taliyaha Ciidanka Xoogga dalka  Jeneraal Ibraahim Sheekh Muxyadiin ayaa la kulmay saraakiil sare oo katirsan xafiiska Qaramada Midoobay ee Soomaaliya.

Kulankan ayaa looga hadlay xaaladda kala guurka amni ee Soomaaliya, gaar ahaan wajiga labaad ee soo socda ee dhimista ciidamada ATMIS.

Intii uu socday kulanka madaxa xafiiska taageerada Qaramada Midoobay ee Soomaaliya Akacyira ayaa waxay xaqiijisay sida ay uga go’an tahay UNSOS in ay u fidiso taageero dhinaca saadka ciidamada qalabka sida ee Soomaaliya.

Mas’uuliyiintaan ayaa sidoo kale ka wada hadlay sidii kor loogu qaadi lahaa isku xirka fulinta Qaraarka Qaramada Midoobay ee tirsigiisu yahay 2687(2023), Kaasoo sheegaya waajibaadka bixitaanka ciidamada ATMIS.

Kulankan ayaa yimid, iyadoo dowladda Soomaaliya isku diyaarinayso dhameystirka wajiga koowaad ee howlgalka xoraynta degaanada Galmudug iyo Hirshabeelle.

Dowladda Soomaaliya ayaa sheegtay in taageero ay uga baahan tahay Saaxiibada  caalamiga ah oo ay QM ugu horrayso, si ay ciidamada Soomaaliya awood ugu yeeshaan inay Alshabaab ka saarto degaanada ay maamulaan.

Related posts

Madaxweyne Farmaajo oo goordhaw si aan Caadi aheyn loogu soo dhaweeyay Garawe

Cabdi Cade

Dowlada oo maanta lagu wareejiyay qalabka baaritaanka Caronavirus (Daawo Sawirada)

Cabdi Cade

Soomaali ku rafaadsan Xabsi ku yaalla dalka Iran oo qeylo-dhaan soo diray

Caydiid Ali