Allbanaadir.com
MUQDISHONEWS

Qorshe wax looga bedelayo nidaamka federaalka ee DF oo bilaabanaya

Guddoomiyaha Aqalka Sare ee Baarlamaanka JFS, Senator Abdi Hashi Abdullahi ayaa shir guddoomiyay kulanka todobaad ee Guddiga joogtada Aqalka Sare.

Waxaa sidoo kale kulankaas ka qeyb galay oo ay wehliyaan Guddoomiye ku xigeenka koowaad Mudane Cali Shacbaan Ibraahim iyo Guddoomiye ku xigeenka labaad Mudane Cabdullaahi Cali Xersi (Timacadde)

Kulanka maanta oo Ajandihiisu ahaa dhagaysiga warbixinta Guddiga Arrimaha Gudaha Aqalka Sare, kuna saabsan noocyada Federaalka ee ka jira adduunka iyo midka ugu habboon ee ay Soomaaliya qaadan karto.

Doodo iyo falanqayn dheer ka dib guddiga Joogtada wuxuu cod aqlabiyad ah ku oggolaaday in la ajendeeyo warbixinta Guddiga Arrimaha Gudaha Aqalka Sare, lana horgeeyo Gola guud ee Aqalka Sare,  si looga doodo qaraarna Goluhu uga qaato.

Nidaamka federaalka ayaa waxaa lagu qaatay shirkii dib u heshiisiinta Mbaghati ee lagu soo dhisay dowladii KMG aheyd ee uu horkacayey Madaxweyne C/llaahi Yuusuf sanadkii 2005, waxayna dad badan isweydiinayaan awooda uu aqalka sare u leeyahay inuu wax ka bedelo nidaamkan oo Soomaaliya u horseeday iney noqoto dowlad yar yar oo aan awood badan laheyn.

Related posts

Saciid Ciise “Hogamiyeyaasha Wanaagsan waxey gaaraan yool ay adag tahay in la gaaro”

Caydiid Ali

Dagaal culus oo goor dhow ka qarxay bartamaha Magaalada Kismaayo

Caydiid Ali

Puntlnad oo ka hadashay Shirka Golaha Wadatashiga Qaran iyo waxa kasoo bixi kara

Cabdi Cade
Taboola Ads ---