Madaxweyne Farmaajo oo goordhaw si aan Caadi aheyn loogu soo dhaweeyay Garawe

Waxaa goordhaw garoonka diyaaradaha magaalada Garawe ka degtay diyaarad gaar ah uu la socday Madaxweynaha Jamhuuriyada federaalka Soomaaliya Maxamed Cabdulaahi Farmaajo iyo wafti uu hogaaminayay.

Madaxweyne Farmaajo iyo waftiga la socday waxaa garoonka Diyaaradaha Garawe kusoo dhaweeyay Madaxweynaha cusub ee Puntland, Xildhibaano katirsan labada Aqal, Wasiiro, Madax katirsan maamul goboleedyada, saraakiil iyo dadweyne kale oo badan.

Madaxweyne Farmaajo ayaa salaan sharaf ka qaatay ciidamo gaar ah oo lagu diyaariyay garoonka diyaaradaha Garawe, waxa uuna Madaxweynaha gacan qaaday madaxdii iyo dadkii kala duwanaa ee soo dhaweeyay.

Farmaajo iyo waftiga la socday ayaa loo galbiyay gudaha magaalada Garawe oo la filayo in ay ka dhacdo munaasabada lagu caleemo saarayo Madaxweynaha cusub ee maamulka Puntland Saciid Cabdullahi Deni.

Munaasabada caleemo saarka Madaxweynaha Puntland ee maanta ka dhaceysa Garawe ayaa kulmisay Madax kala duwan oon in mudo ah goob fagaare ah isku arkin, waxaa sidoo kale munaasabada jooga mucaarad iyo muxaafid.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia

Allbanaadir@live.com

- Advertisement -