Allbanaadir.com
MUQDISHONEWS

(Sawirro) Warbixino xasaasi ah oo la siiyey Guddiga joogtada ee Golaha shacabka

Guddoomiyaha Golaha Shacabka Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya  Mudane Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe) oo ay weheliyo Guddoomiye Ku-xigeenka Koowaad ee Golaha Shacabka Marwo Sacdiyo Yaasiin Xaaji Samatar, ayaa maanta shir guddoomiyay kulanka 27-aad Guddiga Joogtada ah ee Golaha Shacabka.

Kulanka maanta oo Ajandihiisu ahaa warbxinta Guddoomiyaha Golaha Shacabka BJFS, soo bandhigista inta ka harsan kalfadhiga seddaxaad Golaha Shacabka oo waxbadan u qabsoomay.

Sidoo kale waxaa la qeybiyay warbixinta seddexda guddi ee kala ah, Guddiga Garsoorka, Awqaafta iyo Arrimaha Diinta, Guddiga Horumarinta Adeega Bulshada, iyo Guddiga Xuquuqul Insaanka, Haweenka iyo Arrimaha Bini’aadanimada, kuna saabsan kormeeridda Xabsiga Dhexe ee Xamar oo Xildhibaannada guuddiga kormeereen maxaabiista ku xiran xabsiga, iyagoo  u kuur galay nolosha caafimaadka maxaabiista.

Ugu dambeyn kulanka waxaa lagu ajendeeyay hindise sharciyeeydyada ka yimid Xukuumadda, waxaa la isla qaatay in la dardargaliyo howlaha horyaala Golaha Shacabka inta ka dhiman Kalfadhiga Golaha Shacabka Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Maraykanka, Qatar & Masar oo war kale ka soo saaray heshiiska Xamaas & Israel

Caydiid Ali

Qoorqoor oo Magacaabay Guddoomiyaha cusub ee gobolka Galgaduud (Akhriso)

Caydiid Ali

Dhaawacyada la geeyey Isbitaalka Digfeer & Wasiir ka tirsan DF oo booqday (Sawirro)

Caydiid Ali
Taboola Ads ---