Allbanaadir.com
MUQDISHONEWS

(Sawirro) Shiinaha oo Dowlada Somalia ku wareejiyey dhaqaale loogu talao galay..

Guddoomiyaha Hay’adda Maareynta Musiiboyinka Qaranka Soomaaliyed ee SoDMA Mudane Mahamuud Moallim Abdulle  ayaa maanta xarunta dhexe ee hay’adda SoDMA ku qaabilay Danjiraha Dowladda Shiinaha u fadhiya dalkeena Fea Shengchao .

Kulanka Guddoomiyaha iyo Safiirka Shiinaha waxaa goobjoog ka ahaa xubno katirsan madaxda hay’adda SoDMA.

Safiirka ayaa Guddoomiyaha ku wareejiyey lacag ka badan 150,000 oo dollar oo ay ugu talagaleen in lagu daabulo gargaar mucaawino ah oo hore ugu soo wareejiyeen hay’adda SoDMA kuwaasoo loogu talagalay in la gaarsiiyo deeganada al-shabaab laga xoreeyey, kuwa laga xoreyn doono iyo dadka ay saameeyen Abaaraha.

Kulanka sidoo kale waxaa looga hadlay in Dowladda Shiinaha hay’adda ay ka caawiso Mashaaricda Horumarinta, Qalabeynta iyo Dhisida ceelasha biyaha, Tababarada Shaqaalaha Hay’adda, iyo sii xoojinta Xiriirka hay’adda iyo Safaarada.

Related posts

Hogaamiye ka tirsan Al-Shabaab oo duqeyn lagu dilay & DF oo ka hadashay

Caydiid Ali

Cabsi kusoo korortay Muqdisho iyo taliska Booliiska oo fariin u diray Shacabka

Cabdi Cade

Midowga Yurub oo ciidamo gaar ah u sameynaya ka hortaga qulqulka Qaxootiga

Caydiid Ali
Taboola Ads ---