Hogaamiye ka tirsan Al-Shabaab oo duqeyn lagu dilay & DF oo ka hadashay

Ciidanka Xoogga dalka gaar ahaan kuwa Danab iyo ciidamada Mareykanka ayaa sheegay iney duqeyn cirka ah ku dileen Cabduqaadir Cusmaan Yarow oo magaciisu afgarashadu aheyd Cabduqaadir Kumaandoos barqadii maanta.

Howl-galkaan ayaa ka dhacay tuulada Cadaad Gari oo ku taalla inta u dhaxeyso magaalooyinka Diinsoor iyo Baardheere ee gobolada Bay iyo Gedo.

C/qaadir Kumaandos ayaa mar ahaa Madixii Jabhadaha Alshabaab, waxa uu sidoo kale u xuubsiibtay Qaybta dacaayadaha u faafisa Al-shabaab sida ay sheegtay NISA.

“Dilkiisa marka uu dhacayay waxa uu madaxa ka tirsanayay xoolo uu saami u helay oo ay Alshabaab baad ahaan kaga qaateen dadka degaanka” ayuu yiri sarkaal ka tirsan ciidanka Danab oo la hadlay warbaahinta DF.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

- Advertisement -