Maxamuud Nadif Suldaan oo isku daldalay xabsi uu ku xirnaa iyo Faah faahino kasoo baxaya

Waxaa shalay Xabsiga dhaxe ee degmada Badhan ee gobolka Sanaag isku dal dalay Maxamuud Nadif Suldaan oo kamid ahaa dadka deegaanka, waxaana sababta is daldalaada marxuunkan kasoo baxaya warar kala duwan.

Warbaahinta ku hadasha afka Somaliland ayaa qoray in ninkan xabsiga isku daldalay uu ahaa nin taageersanaa maamulkooda , waxa ayna sheegeen in ninkan la xiray kadib markii Calanka Somaliland la dhax maray magaalada oo Puntland maamusho.

Cawil Nadiif Suldaan oo la dhashay marxuunka is daldalay ayaa beeniyay Warka ay baahiyeen Websetyada Somaliland, waxa uuna sheegay Cawil in walaalkiis uu soo wajahay xanuun dhinac maskaxda ah .

Waxa uu sheegay Cawil in Marxuumka uu tan iyo arbacadii aynu soo dhaafnay uu ku xirnaa saldhiga degmada Badhan,isla markaana sababaha loo xiray ay qeyb ka ahayd isku buuq iyo isla hadal soo wajahay marxuumka.

Maxamuud Nadiif Suldaan oo da’diisa aheyd 49-sano jir ayaa kamid ahaa dadka kunool degmada Badhan , waxa uuna ninkan ku shaqeysan jiray xirfada farshaxanka, waxaana is daldalaada ninkan dhalisay hadal heyn badan.

Gayiga Soomaaliya waxaa mudooyinkan dambe kusoo kordhaya dhacdooyin argagax leh , waxaana meelo badan ka dhacay dilal ay isku geesteen dad ehel , dilal ku saleesan guur iyo dad iyagu arimo kala duwan isku daldalay.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia

Allbanaadir@live.com

- Advertisement -