Allbanaadir.com
MUQDISHONEWS

Maxkamada Ciidamada oo xukun adag ku riday xubno ka tirsanaa Al-Shabaab

Maxkamada ciidamada qalabka sida ee dowlada Somalia ayaa Maxamed Cali Xuseen Buundo iyo Cali Suleymaan Ibraahim oo ka tirsan Alshabaab ku ridday xabsi daain.

Raggan ayaa bishii May ee sanandkan lagu qabtay howlgallo laga sameeyay degaano hoos yimaada degmada Xarardheere ee gobolka Mudug sida ay sheegtay xeer ilaalinta Maxkamada ciidamada.

Maxkamadda ayaa sheegtay in labada nin ay ka soo qeyb qaateen dagaaladii Al-shabaab looga saaray degaano ka tirsan Galmudug iyo Hirshabeelle ee bartamaha Somalia.

Maxamed Cali Xuseen Buundo ayaa shaqooyinkiisii waxaa ka mid ahayd inuu qaado maydadka Alshabaab ee ku dhinta dagaalada Dowladda, halka Cali Suleymaan Ibraahim uu qaabilsanaa keydinta hubka.

Guddoomiyaha Maxkamada ciidamada Col. Xassan Cali Nuur (Shuute) ayaa sheegay in labada nin uu furan yahay iney racfaan ka qaataan xukunka muddo 30 cisho ah gudahood.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Qunsulkii Sacuudiga oo ka baxsaday Istanbul & Booliska Turkiga oo caawa galay hoygiisa

Caydiid Ali

RW Khayre oo xalay socod ku maray qaar ka mid ah Jidadka Muqdisho (Daawo Sawirro)

Caydiid Ali

Shirkadda Facebook oo soo saartay shuruuc iyo qawaaniin cusub oo la xiriira xad gudubka

Caydiid Ali