Allbanaadir.com
MUQDISHONEWS

Dalalka ka qeyb qaadanaya wejiga labaad ee dagaalka Al-shabaab oo la shaaciyey

Wasiirka warfaafinta xukuumadda federaalka Soomaaliya Mudane Daa’uud Aweys Jaamac oo shir jiraa’id ku qabtay magaalada Muqdisho ayaa sheegay ciidan cusub oo Dowladu qoratay kuwaasoo tiradoodu gaareyso 10 kun oo askari, isagoo xusay in lagu xoojinayo wejiga labaad ee dagaalka ka dhanka Al-shabaab.

Wasiirka ayaa sidoo kale faahfaahiyey kaalinta ay saaxiibada caalamka iyo Dowladaha deriska ama safka hore loo yaqaano ku leeyihiin dagaalka lagu qaadayo Al-shabaab.

“Tan iyo markii la bilaabay howlgallada ka dhanka ah Khawaarijta, waxaa ay dowlada Soomaaliya qortay ciidan cusub oo tiradooda kor u dhaafeysa 10 kun oo askari” ayuu yiri Wasiir Daa’ud Aweys.

Sidoo kale, wasiirka ayaa sheegay in Dowladdu mahad ballaaran u jeedineyso shacabka Soomaaliyeed oo tan iyo markii ay bilwodeen howlgalladan sanadkii hore kaalin wax ku ool ah ka qaatay, walina hiil iyo hoo la garab taagan ciidamada xoogga Dalka, wuxuuna wasiirku si gaar ah u xusay kaalinta ciidanka mucaawisleydu ay ka geysteen guushii laga gaaray howlgallada dalka looga sifeynayo al-shabaab.

Culumada Soomaaliyeed ayuu xusay in ay horay u sheegeen sax ahaan-shaha in Dalka laga suuliyo wax uu ugu yeeray Khawaarijta.

Wasiirka warfaafinta Dhaqanka iyo Dalxiiska Dalka oo hadalkiisa sii wata ayaa qiray kaalinta taageerada beesha caalamka iyo doorka ay dalalka deriska ama safka hore ku leeyihiin dagaalka Dalka looga ciribtirayo al-shabaab, iyadoo wejiga labaad ee dagaalka qeyb ay ka yihiin ciidamo ka socda Dalalka Kenya, Itoobiya iyo Jabuuti.

”Waxaa dagaalka argagixisada naga taageeraya saaxiibada caalamka iyo dalalka deriska ah, si gaar ah haddaan u xusno wejiga labaad ee dagaalka looga soo horjeedo Khawaarijta waa iyaguna kaalin ka geysanaya dalalka deriska ama safka hore la yiraahdo sida Kenya, Itoobiya iyo Jabuuti,” ayuu yiri wasiirka.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Saciid Ciise: “Madaxweyne Deni wuxuu Puntland ka mudan yahay sagootin heybad leh”

Caydiid Ali

Madaxweyne Xasan oo mar kale ka hadlay xadgudubka Itoobiya eedeyna u jeediyay Abiy

Cabdi Cade

Maxaa laga yeelayaa mas’uuliyiintii ku safray diyaaraaddi jabisay amarkii dowlada ?

Cabdi Cade
Taboola Ads ---