Allbanaadir.com
MUQDISHONEWS

Raisul Wasaaraha Somalia oo ka hadlay geerida fanaanadii Khadra Daahir Cige

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xamse Cabdi Barre ayaa Ummadda Soomaaliyeed uga tacsiyadeeyay geerida ku timid Marxuum Khadra Daahir Cige oo caawa ku geeriyooday Hargeysa.

Khadra Daahir ayaa ka tirsaneyd fanaaniinta hobolada Qaranka ee Waaberi xiligii beri samaadkii, waxayna ka mid aheyd fanaaniintii loogu jeclaa fanka Soomaalida.

HOOS KA AKHRISO QORAALKA RW XAMSA

Waxaan murugada la qeybsanayaa qoyska asxaabtii iyo ummadda Soomaaliyeed ee ay ka baxday fannaanaddii Soomaaliyeed Khadra Daahir Cige.

Waxaan si gaar ah ugu tacsiyeynayaa qoyskii ay ka geeriyootay iyo bahda fanka.

Marxuumaddu waxa ay kaalin muuqata oo micno leh ka soo qaadatay horumarinta dhaqanka, wacyigelinta bulshada iyo fanka Soomaaliyeed oo ay ka mid ahayd fannaaniinta loogu jecel yahay.

Waxaan Marxuumadda Eebbe uga baryayaa in uu Jannadii Fardows ka waraabiyo ehelkii iyo qaraabadii ay ka baxdayna samir iyo iimaan uu ka siiyo.

 

Related posts

Qodob Xasaasi ah oo maanta looga doodayo Shirka Golaha Wadatashiga Qaran

Cabdi Cade

Madaxweyne Qoorqoor oo Wareegto ku Magacaabay Wasiiro cusub (Magacyada)

Caydiid Ali

Guddomiyaha guddiga xalinta Khilaafaadka Doorashada oo la doortay (Yaa watay)

Cabdi Cade
Taboola Ads ---