Allbanaadir.com
NEWS

Gudoomiye Madaale & C/llaahi Mohamed C/llaahi oo sadex arin ka wadahadlay (Sawirro)

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir Ahna Duqa Magaalada Muqdisho Mudane Yuusuf Xuseen Jimcaale (Madaale),ayaa Aqalka Dowladda Hoose ee Xamar ku qaabilay Xildhibaan Cabdullaahi Mohamed Cabdullaahi oo ka tirsan Golaha deegaanka Magaalada Gothenburg ee dalka Sweden.

Waxaa looga hadlay kulankan xiriirka Magaalooyinka Muqdisho iyo Gothenburg, Isdhaafsiga Aqoonta Golayaasha Deegaanka iyo tan Dowladdaha Hoose iyo sidii loogu shaqeyn lahaa Mataaneynta labada Magaalo.

Xildhibaan Cabdullaahi Maxamed Cabdullaahi oo martiqaad rasmi ah ka heysta Guddoomiyaha Gobolka Banaadir Ahna Duqa Magaalada Muqdisho, ayaa inta uu joogo Magaalada Muqdisho waxa uu la kulmi doonnaa qeybaha kala gedisan ee Maamulada Degmooyinka, Dhallinyarada iyo Wax-galka Bulshada Caasimadda.

Kulankan waxaa goobjoog ka ahaa Xoghayaha Guud ee Maamulka Gobolka Banaadir Mudane Feysal Caraale Afrax.

Cabdullaahi Maxamed oo ka tirsan Baarlamaanka Dalka Sweden ayaa ka mahadceliyay sida diiran ee loogu soo dhaweeyay Magaalada Muqdisho, wuxuuna bogaadiyey dedaalka xoogan ee maamulka gobolku ugu jiro horumarinta caasimada.

Related posts

Qaybta 2 aad :-Maxaa sababay in saddex jeer la Cadaabo qoomkii loo diray Nebi Shuceyb CS?

admin

Coronavirus oo weeraray Aqalka Congresska Maraykanka (Xildhibaano laga helay)

Caydiid Ali

Madaxdii hore ee federaalka oo lagu eedeeyey iney laaluush ka qaadan jireen Shirkadaha Xajka

Caydiid Ali
Taboola Ads ---