Madaxweyne Deni oo u digay dadka Carqaladeenaya Dimuquraadiyada Puntland

Madaxweynaha Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni, ayaa maanta daah-furay tababarka Goleyaasha deegaanka ee saddexda degmo Qardho, Ufeyn iyo Eyl kuwaasi oo ah goleyaashii deegaan ee ugu horeeyay ee Shacabku kusoo doorto hal Qof iyo Hal cod.

Madaxweynaha ayaa Goleyaasha deegaanka ee saddexda degmo la wadaagay shaqada adag, duruufihii iyo go’aan qaadashada taariikhiga ah ee laga soo maray in uu hirgalo nidaamka dimuqraadiyadda Puntland oo maanta ay halkan ku fadhiyaan Xildhibaanadan codka shacabka.

Wuxuu Madaxweynuhu u digey cidkasta oo isku dayda nooc walba oo carqaladeyn ah, oo lagu dhibaateynayo nidaamka dimuqraadiyadda isagoo muujiyay sida ay Dowladda uga go’antahay uguna diyaargarowday in degmooyinka kale ee Puntland sidoo kale dhowaan laga qabto doorasho qof iyo cod ah, oo ay dadku soo doortaan goleyaashooda.

Madaxweynaha ayaa boggaadiyay shaqada Guddiga Doorashooyinka Puntland iyo diyaar garowga ay ku jiraan, isagoo ugu baaqay Ururada Siyaasadda iyo dhammaan Shacabweynaha Puntland in la isu diyaariyo dhameystirka doorashada qof iyo cod ee degmooyinka Puntland.

Nidaamka Dimuqraadiyadda Puntland waa qorshe Dowladdu ay awooda ugu dhoweynayso Shacabka si ay usoo doortaan Madaxdooda, waxaana arrintaasi siweyn usoo dhoweeyay Shacabweynaha Puntland oo u arka riyo ay lahaayeen oo u rumowday. Goleyaasha deegaanka ee saddexda degmo Qardho, Ufeyn iyo Eyl ayaa muddada uu Tababarku u socdo la baraya Dowlad Wanaaga iyo metelaada Bulsho.

- Advertisement -