Allbanaadir.com
MUQDISHONEWS

(Sawirro) Laftagareen oo lagu hor dhaariyey Wasiiradii uu dhowaan Magacaabay

Madaxweynaha Dowlada Koonfur Galbeed Mudane Cabdicasiis Xasan Maxamed Laftagareen ayaa ka qeybgalay Munaasabad lagu dhaarinayey Xubnaha Cusub Gollaha Wasiiradda Dowladda Koonfur Galbeed.

Ku-Simaha Gudoomiyaha Baarlamaanka, Gudoomiyaha Maxkamada Sare, Wasiiro, Xildhibaano iyo Marti sharaf kale ayaa Goobjoog ahaa Munaasabada Dhaarinta Xubaha Cusub Gollaha Wasiirada.

Cabdicasiis Xasan Maxamed Laftagareen ayaa dhaarta la dardaarmay wasiirada cusub ee loo dhaariyey.

“Waxaa qaadeen masuuliyad culus laga bilaabo maanta, waxaad ku shaqeyneysaan duruufo adag oo ka jira dalka sida go’doon, amni xumo, dhaqaale la’aan siyaasad xumo iyo iwm waxaana la idinkaga fadhiyaa inaad sida ugu wanaagsan ugu shaqeysaan bulshada” ayuu yiri Madaxweyne Laftagareen.

Waxaa uu ugu hambalyeeyey xilalka culus ee loo magacaabay, isagoo xusay inuu kalsoon yahay sida ugu haboon iney uga soo dhalaali doonaan.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Hantidhowrka Qaranka oo farriin u diray Masuuliyiinta dowladda ee shaqada ka tagaya

Cabdi Cade

Haweeney Reer Afganistan oo ku dhax Umushay Diyaarad Milatari Mareykanka leeyahay (Sawirro)

Cabdi Cade

Fahad Yasin: “Waxaa socda shirqoolo ka dhan ah ciidanka XDS”

Caydiid Ali
Taboola Ads ---