Allbanaadir.com
MUQDISHONEWS

Kuuriyada Woqooyi oo gantaalo kaga jawaabtay talaabo uu qaaday Mareykanka

Woqooyi Kuuriya ayaa dhanka galbeed ee gacanka Kuuriya ku gantay dhowr gantaal oo nooca joogga hoose ku duula ah, tan oo loo malaynayo in ay kaga jawaabeyso kadib markii Maraykanku koonfurta Kuuriya geeyay mid ka mid ah gujisyadiisa nukleerka xambaarsan.

Kuuriyada Koonfureed ayaa sheegtay in la ogaaday riditaanka gantaalada laga billaabo abbaaraha 4-tii subaxnimo xilliga maxalliga ah.

Tani waxay noqonaysa markii labaad ee toddobaad gudihiis ay woqooyiga Kuuriya ganto gantaallo si ay uga falceliso markabka biyaha quusa ee Maraykanka oo la geeyay xeebta Koonfurta Kuuriya.

Kuuriyada Waqooyi ayaa sidoo kale Arbacadii  laba gantaal oo nooca riddada gaaban ah ka soo ridday meel u dhow caasimadda Pyongyang. Waxayna duuleen qiyaastii 550km (341 mayl) ka hor inta aysan ku degin biyaha bariga gacanka Kuuriya.

Related posts

Axmed Madoobe oo furay Shir ay soo qaban qaabisay Dowlada Federaalka (Sawirro)

Cabdi Cade

Madaxweyne Qoor Qoor oo furay kalfadhiga shanaad ee Baarlamaanka Galmudug (Sawirro)

Cabdi Cade

DEG DEG: Al-Shabaab oo mar kale la wareegtay degaanada Camaara & Bacaadweyne

Caydiid Ali