Allbanaadir.com
NEWS

Hay’adda Caafimaadka QM ee WHO oo eedeyn culus u jeedisay Somaliland

Hay’adda Caafimaadka Adduunka (WHO) ayaa sheegtay, inay ka xun tahay isla markaana ay cambaaraynayso weerarkii ugu dambeeyay ee lagu qaaday xarun caafimaad oo ku taala magaalada Laascaanood, 11kii bishan July 2023.

Madaxa WHO Tedros Adhanom ayaa qoraal uu ku soo qoray barta twitterka ku sheegay in weerarkaasi uu sababay tobanaan dhimasho iyo dhaawac ah – oo ay ku jiraan shaqaalaha daryeelka caafimaadka iyo bukaanadii Isbitaalkaas.

“WHO waxay cambaaraynaysaa weerarkii lagu qaaday xarun caafimaad oo ku taal Laascaanood Somaliland, kaasoo sababay tobanaan dhimasho iyo dhaawac ah – oo ay ku jiraan shaqaalaha caafimaadka iyo bukaannada” ayaa lagu yiri qoraalka uu soo saaray madaxa WHO.

Somaliland ayaa dhowr jeer sheegtay in aanay iyadu beegsan goobaha caafimaadka, xilli muddooyinkii u danbeeyey uu dagaal ka socday magaaladaasi Laascaanood.

Ciidamada Somaliland ayaa marar badan horey loogu eedeeyey iney beegsadeen Isbitaalka magaalaada Laascaanood iyo goobo kale oo aan aheyn bartilmaameedyo milateri.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Wararkii Ugu Dambeeyay Diyaaradii ku dhacday Muqdisho iyo Dowladda oo ka hadashay

Cabdi Cade

Ra’iisul Wasaaraha Somalia oo xilal u magacaabay Masuuliyiin cusub (Magacyada)

Caydiid Ali

Wararkii ugu dambeeyey dilka Xildhibaan Boqore & Al-shabaab oo war ka soo saartay

Caydiid Ali
Taboola Ads ---