Allbanaadir.com
MUQDISHONEWS

Ra’iisul Wasaaraha Somalia oo xilal u magacaabay Masuuliyiin cusub (Magacyada)

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane, Xamse Cabdi Barre, ayaa maanta u magacaabay Mudane, Xasan Maxamed Cali Xoghayaha Joogtada ee Wasaaradda Waxbarashada, Hiddaha iyo Tacliinta Sare.

Sidoo kale, waxa uu Ra’iisul Wasaarahu u magacaabay Wasaaradda Waxbarashada afar Agaasimayaal Guud, kuwaas oo kala ah:

1-Dr Cabdullaahi Cabdi Cumar, Agaasimaha Guud ee Waxbarashada iyo Barbaarinta .

2-Maxamed Xasan Mukhtaar, Agaasimaha Guud ee Horumarinta Waxbarashada Farsamada Gacanta & Xirfadaha.

3-Maxamed Cabdullaahi Maxamuud, Agaasimaha Guud ee Tacliinta Sare iyo Hiddaha.

4-Xabiibo Cali Maxamed, Agaasimaha Guud ee Adeegyada Wasaaradda Waxbarashada.

Ra’iisul Wasaaraha ayaa faray mas’uuliyiintan in ay si hufan u gutaan waajibaadka xilalka loo igmaday.

Related posts

Xildhibaan cusub oo Baydhabo lagu doortay iyo Musharaxii la tartami lahaa oo..

Caydiid Ali

DF oo bilowday nidaam cusub oo lagu saleynayo Miisaaniyada

Caydiid Ali

Khayre oo Dar daaran Muhiim ah u jeediyay masuuliyiinta dowladda (Daawo Sawirada)

Cabdi Cade
Taboola Ads ---