Allbanaadir.com
NEWS

Ergayga Madaxweynaha ee Arrimaha Somaliland oo Warbixin siiyay Catriona Laing (Sawirro)

Ergayga Gaarka ah ee Madaxweynaha JFS u qaabilsan Arrimaha Somaliland Mudane Cabdikarim xussein Guuleed ayaa maanta kulan muhiim ah la qaatay Wakiilka Qaramada Midoobay u qaabilsan Arrimaha Soomaaliya Catriona Laing, waxaana kulanka diiradda lagu saaray dib u billaabidda Wadahadallada DFS iyo SOMALILAND iyo sidii guulo la taaban karo looga gaari lahaa.

Ergayga ayaa Wakiilka Q/M ee Soomaaliya uga warbixiyay dedaalada DFS ugu jirto suurtagallinta hanaan rasmi ah oo ay labada dhinac kuwa wadahadlaan, waxaana uu caddeeyay in DFS ka go’antahay hirgalinta waxkasta oo muhiim u ah midnimada Ummadda Soomaaliyeed.

Wakiilka Qarada Midoobay ee Soomaaliya Catriona Laing ayaa dhankeeda soo dhaweysay dedaalada DFS, waxaana ay Ergayga u muujisay garab istaag buuxa iyo in ay Q/M diyaar u tahay ka qeyb qaadashada ka gun-gaarista wadahadallada DFS iyo Somaliland.

Related posts

Madaxweyne Xaaf oo Qoraal Xasaasi ah ah u diray Wakiilada Beesha Caalamka (Akhriso)

Cabdi Cade

Milatariga Itoobiya oo Magaalo muhiim ah kala wareegay jabhada TPLF

Cabdi Cade

Mareykanka oo qaaday tallaabo adag oo ka dhan ah dowladda Ukraine

Cabdi Cade
Taboola Ads ---