Allbanaadir.com
NEWS

Lacag Malaayiin Dollar ah oo lagu ganaaxay Bank of America iyo Dambiga lagu helay

Bank of America ayaa lagu amray in uu bixiyo $150m oo ganaax ah kadib markii lagu helay in uu u furay macaamiisha kaararka deynta fasax la’aan. Xeer-ilaaliyeyaashu waxay sidoo kale ogaadeen in khidmadaha bangiga ee macaamiisha uu lababalaabay, waxayna ka celiyeen gunnooyinkii abaal-marineed ee ballan-qaadka ahaa.

Xadgudubyada ka jira bangiga labaad ee ugu weyn Mareykanka ayaa saameeyay boqolaal kun oo macaamiil ah waxayna taariikhda ku beegan tahay 2012 kiisaska qaarkood, sida ay maamulayaashu sheegeen .Bank of America ma uusan qiran mana diidin natiijada baaritaanka.

Bangiga ayaa lagu amray inuu usoo celiyo macaamiisha oo uu bixiyo lacag dhan $150m oo ganaax ah sdia uu amaray Xafiiska Ilaalinta Maaliyadeed ee Macmiilka iyo Xafiiska Xisaabiyaha Lacagta. Lacag celinta macaamiisha ayaa la filayaa inay kabadantahay $80m,sdia ay sheegtay CFPB.

Bangiga ayaa lagu ganaaxay $20m sanadkii 2014-kii waxaana lagu xukumay in uu siiyo in ka badan $700m macaamiisha oo uu suuqgeyn khiyaano ah ku sameeyay iyo lacago sharci darro ah oo la xiriirta kaararka deynta.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Ciidamada Dowlada oo Gowracay Sargaal katirsanaa Al Shabaab oo dagaal lagu qabtay

Cabdi Cade

Duqeymo culus oo saaka ka sii socda Gaza iyo dad badan oo ku dhintay (Sawirro)

Caydiid Ali

Duuliye Asli Calansida oo ka sheekeysay taariikhda halgankii gobanimo doonka Soomaaliyed

Caydiid Ali
Taboola Ads ---