Allbanaadir.com
NEWS

Ciidanka ATMIS oo shaaciyay in ay dileen xubno katirsan Al Shabaab hubna ka furteen

Ciidamada nabad ilaalinta u jooga Soomaaliya ee ATMIS ayaa shalay howlgal ay ka fuliyeen gobolka Shabeelaha Hoose, gaar ahaan deegaanka Baladul Amiin ku dilay xubno katirsan dagaalyahannada Al Shabaab.

War kasoo baxay taliska ciidamada ATMIS ayey ku sheegeen in howlgalka ku dileen labo dagaalame oo katirsanaa Al Shabaab ,sidoo kale kasoo furteen labo qoray ay wateen iyo rasaas tiro badan .

”Ciidamada ATMIS ayaa shalay inta ay ku guda jireen hawlahooda suggidda amniga ee deegaanka Beledamin ee gobolka Shabeellaha hoose, waxa ay dileen labo ka mid ah maleeshiyaadka Al-Shabaab, iyagoo kasoo furtay labo qori, 6 qasnadood, iyo 130 xabo oo rasaas ah” ayaa lagu yiri war kasoo baxay taliska ATMIS.

Ciidamada ATMIS ayaa mararka qaar ka sameeya howlgalo roondo ah deegaannada ay joogaan, waxa uuna howlgalkan imaanayaa xilli ciidamada dowladda iyana sheegeen in xubno katirsan Al Shabaab ku dileen gobolka Shabeelaha Hoose.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

 

Related posts

Maamulka Galmudug oo shaaciyey iney dib u qabsadeen degmada Guriceel

Caydiid Ali

Haweeney Dilaa ah oo Khatar ku ah raga oo laga baadi goobayo dalka Kenya !!

Cabdi Cade

Reer Mandhera oo dalbaday in laga saaro C/rashiid Janan iyo ciidamadiisa & DF oo sheegtay..

Caydiid Ali
Taboola Ads ---