Ciidamo hubeysan oo xabsiga dhigay Xildhibaan Max’ed Axmed Dhakool (Sababta)

Booliska Somaliland ayaa xabsiga magaalada Hargeysa dhigay Xildhibaan Maxamed Axmed Dhakool oo ka ka mid ah baarlamanka Somaliland.

Xildhibaanka oo ka soo jeeda gobolka Sool ayaa xarigiisa ka hor aan laga qaadin xasaanada taasoo khilaafsan dastuurka iyo xeer hoosaadka Somaliland.

Waxaa uu sheegay Xildhibaanku  in Maalinta 18-ka May oo ah maalintii ay Somaliland sheegtay iney ka go’day Somalia aysan aheyn Maalin Qaran balse ay tahay Maalin ay leeyihiin Jabhadii SNM.

Sida ay ku warameen ilo wareedyo muhiim ah oo ku sugan Magaalada Hargeysa Xildhibaan Dhakool ayaa la filayaa in loo gudbiyo Xarumaha Hay’adaha dembi baarista ee Somaliland.

Waxgarad iyo Siyaasiyiin kala duwan oo ka soo jeeda Somaliland ayaa si kulul u cambaareeyey xariga Xildhibaanka, iyagoo Madaxweynaha Somaliland ku eedeeyey inuu ku sharciga ku tumanayo, waxayna dalbadeen in si deg deg ah loo sii daayo xildhibaanka.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho-Somalia

Allbanaadir@live.com

- Advertisement -