Allbanaadir.com
NEWS

Mootooyin dhac lagu geesanayay iyo burcadii wadatay oo lagu qabtay Muqdisho (Sawirro)

Ciidamada booliiska ee ka howlgala xaafadaha kala duwan ee magaalada Muqdisho ayaa kordhiyay howlgalada ay uga hortgayaan burcada hubeesan ee dhaca iyo dhibaatooyinka kalaba ku haya dadka shacabka ah.

Howlgal ay sameeyeen ciidamada booliiska ee ka howlgala saldhigga degmada Yaqshiid ayey kusoo qabteen burcad hubeesan , kuwaa oo dad shacab ah dhac u geesanayay, burcada ayaana adeegsanayay mootooyinka loo yaqaan bajaajta.

Taliska booliiska qeybta gobolka Banaadir war kasoo baxay ayaa lagu sheegay in ciidamada booliiska qabteen labo nin oo burcad ah, kuwaa oo biskoolad iyo toorey dadka ku baaranayay xaafado katirsan degmada Yaqshiid.

Booliiska ayaa sheegay in burcadan gacanta lagu soo dhigay iyo mootooyinkooda loo gudbin doono sharciga, waxa ayna sheegeen booliiska in gacan bir ah lagu qaban doono kooxaha burcada ah ee caadeestay in shacabka dhacaan.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Cali Yare iyo Ciidamo badan uu watay oo loo diiday in ay ka dhoofaan Garoonka Muqdisho

Cabdi Cade

Dunida oo qarka u saaran dagaal Saddexaad iyo Ruushka oo..

Caydiid Ali

Nabadoon caan ah oo lagu dilay degaan ka tirsan gobolka Hiiraan (Sababta)

Caydiid Ali
Taboola Ads ---