Wararkii ugu dambeeyey dagaalo culus oo ka dhacay duleedka Magaalada Marko

Faahfaahino ayaa ka soo baxaya dagaal culus oo xalay duleedka Magaalada Marko ee xarunta gobolka Shabeellaha Hoose ku dhexmaray Ciidamada Dowladda Soomaaliya iyo Al-Shabaab.

Dagaalka ayaa yimid ka dib markii ciidamada Millateriga Soomaaliya gaar ahaan Guutada 14-ka Oktoobar ay weerareen degaanka Jilib Marka, halkaasoo ay ku sugnaayeen dagaalyahano ka tirsan Al-Shabaab.

Waxaa halkaasi ka dhacay dagaal culus oo geystay khasaaro dhimasho iyo dhaawac leh, iyadoo hub culus la isweydaarsaday.

Saraakiisha Maamulka Koonfur Galbeed ayaa sheegay in Ciidamada Dowladda ay weerar ku qaadeen deegaanka Jilib Marka oo ay Shabaab ku sugnaayeen, isla markaana howlgalkaas uu ahaa mid amniga lagu xaqiijinayay.

Ugu 5 ruux oo u badan labada dhinac ayaa la sheegay iney ku naf waayeen dagaalkaas duleedka Marka ku dhexmaray Ciidamada Dowladda & Al-Shabaab, iyadoo tiro kalena ay ku dhaawacmeen, kuwaasoo u badan dhinacyada dagaalamay.

Xaalada Marko ayaa saaka degan, iyadoo magaaladaas laga dareemayo qaban-qaabo lagu soo dhoweynayo raisul wasaaraha Somalia oo beri halkaas ku wajahan sida la filayo, waxaana si weyn loo xoojinayaa amaanka.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia

Allbanaadir@live.com

- Advertisement -