(Daawo Sawirro) Sida quruxda badan ee Somaliland looga dabaaldegay xuska 18-ka May

Madaxweynaha Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi, ayaa maanta shacabka caasimadda Hargeysa kala qaybgalay munaasabada lagu xusayey 31-guurada  kasoo wareegtay 18-ka May oo ah maalintii ay Somaliland ku dhawaaqday iney ka go’day Somalia, ayna tahay dal madax banaan.

Munaasabadda lagu qabtay barxadda fagaaraha ayaa waxa madaxweynaha kala qaybgalay shir guddoonka labada gole, guddoomiyaha maxkamadda sare, xildhibaanno, xubno kamid ah golaha wasiirrada, wufuud kala duwan oo dalalka deriska iyo  dunida uga timid ka qaybgalka munaasibadda, taliyeyaasha ciidamada, ururrada bulshada,  siyaasiyiin iyo haldoor bulshada ka mid ah iyo marti-sharaf kale, waxana fagaaraha lagu soo bandhigay mahrajaano xiiso badan oo lagu muujinayo maalinta 18-ka May.

Qaybaha kala duwan ee bulshada ah, bahda waxbarashada, degmooyinka caasimadda, kooxaha Sportska ee Hargeysa oo ku lebbisan calanka Somaliland, ayaa fagaaraha koox koox u maray.

Cutubyo kala duwan  oo ka mid ah ciidamada kala geddisan ee Somaliland oo agabkooda ciidan u dhamaystiran yahay, ayaa iyo gaaddo-ka-ciyaar xirfado ka muuqato goobta ku soo bandhigay, kuwaasoo shucuur waddaniyadeed iyo qiiro geliyey shacabkii waddooyinka kala duwan ee caasimadda ka daawanayey iyo masuuliyiintii Madaxweynuhu u horreeyey ee xuska ku sugnaa.

Sidoo kale, waxay ciidamada kala duwan ee dalka Somaliland goobta ku soo bandhigeen gaadiid kala geddisan, kuwaasoo ay kamid ahaayeen gaadiidka kaarayaasha iyo noocyada kale ee hubka culculus xambaara.

Madaxweynaha Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi oo shacabka u jeediyey khudbad dhinacyo kala duwan taabanaysa, ayaa ugu horrayn bulshada reer Somaliland meel ay joogaanba ugu hambalyeeyey munaasibadda 18-ka May, waxaana  uu si qoto dheer uga sheekeeyey sababihii keenay inay Somaliland go’aansato inay aayaheeda dib uga tashado.

Madaxweynuhu waxa uu sheegay in Somaliland ku timi rabitaan shacab, kuna tashadeen inay qaran buuxa dhistaan, kana mid noqdaan dawladaha dunida ka jira ee Dimuqraaddiga ah.

Dhallinyarada reer Somaliland, ayuu madaxweynuhu si mug leh waano ugu jeediyey, waxaana uu ku boorriyey inay waqtigooda ka faa’iidaystaan, dalkooda dhistaan, aqoonta ay bartaanna dalkooda iyo dadkooda uga faa’iideeyaan, xilna iska saaraan sidii ay dhulkooda wax ugala soo bixi lahaayeen.

Madaxweyne Muuse Biixi Cabdi,  waxa uu bulshada reer Somaliland, ugu baaqay inay  u diyaargaroobaan isbeddelka cimilo ee dunida oo dhan saameeyey, isaga oo ku waaniyey inay wax ka beddelaan qaabkii hore ee ay u noolaan jireen, si ay isbeddelka ula jaanqaadaan.

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi waxa uu hoosta ka xarriiqay inay Somaliland tahay Qaran astaantiisu tahay nabadda iyo wax wada-qabsiga, deris-wanaagguna tiir-dhexaad u yahay, waxana uu yiri,“Waxa inoo Mabd’a ah oo siyaasaddeenna lagu unkay oo lagu bilaabay inaynu Bani’aadamka Ilaahay meel kasta oo ay joogaanba aynu nabadgelino oo aynu wax la qabsanno, inagoo ka bilaabayna jaararkeena, Geeska iyo caalamka oo dhan.”

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

- Advertisement -