Kulankii Baarlamanka Somalia oo si kulul loogu dhaleeceeyey Xukuumada Khayre (Sawirro)

Xubnaha Baarlamanka Soomaaliya oo maanta kulan ku yeeshay magaalada Muqdisho ayaa dood kulul ka yeeshay xaaladda amniga magaalada Muqdisho iyo guud ahaan tan dalka.

Qaar ka mid ah Xildhibaannada kulanka ka hadlay ayaa si weyn u dhalliilay waxqabadka Xukuumadda hadda jirta ee dhinaca amniga.

Mudanayaashii kulanka Baarlamaanka dhamaantood ka hadlay ayaa waxa ay siweyn u falanqeeyeen Amniga dalka gaar ahaan Caasimadda Soomaaliya ee Muqdisho.

Xildhibaan Caasho Koos ayaa sheegtay inaysan kalsooni ku qabin ciidamada dowladda ee jidadka taagan ayna nafteeda uga baqdo.

Xildhibaan Maxamed Cabdullaahi Xasan Nuux oo ah Habdhowraha Golaha Shacabka ayaa sheegay in sugida Amniga Xarunta Golaha Shacabka ay sababtay in la keeno Eeyaha wax baara.

Xildhibaan Max’ed Ganey ayaa isna sheegay in dowladu aysan dalka maamulin balse Al-Shabaab ay ka taliso isagoo tusaale u soo qaatay Canshuuraha laga qaado ganacsatada iyo garsoorka ay dadku u doontaan meelaha ay ka taliyaan.

Xildhibaan Cismaan Cilmi Boqorre ayaa isna dhankiisa soo hadal qaaday dhinaca mushaaraadka Ciidamada oo uu sheegay ineysan ku filneyn, waxaana uu ugu baaqay  Xildhibaanada miisaaniyada soo socota inay lacag fiican u ansixiyaan.

Xildhibaan Maxamed Isaaq Afaraalle ayaa ku eedeeyey dowladda iney shaqadeeda gabtay halkii looga baahnaa inay Al-Shabaab weerartana ay ku mashquulsan tahay waxyaabo kale.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia

Allbanaadir@live.com

- Advertisement -