Allbanaadir.com
MUQDISHONEWS

Madaxweynihii hore ee DF Farmaajo oo fariin Muhiim ah u diray shacabka Soomaaliyed

Madaxweynihii hore ee Somalia Maxamed C/llaahi Farmaajo ayaa fariin iyo hambalyo ku aadan munaasabada Ciidul adxaa u diray shacabka Soomaaliyeed.

Fariintan oo lagu baahiyey baraha bulshada ayaa ku bilaabatay sidatan:-

Salaamu Calaykum Warraxmatullaahi Wa Barakaatuhu

Ciid Wanaagsan

Dhammaan ummadda Soomaaliyeed iyo Muslimiinta Caalamka waxaan ugu hambalyeynayaa munaasabadda barakaysan ee Ciidda Carafo oo ku weyn diinteenna iyo dhaqankeenna suubban, munaasabaddan oo sannadkan ku soo beegantay innaga oo ku jirna xuska toddobaadka xorriyadda dalkeenna.

Maalmahan barakaysan ee Ciidda Carafo waa maalmo ku suntan khayr iyo cibaado ay ka mid tahay gudashada waajibaadka Xajka iyo sadaqada oo la badiyo maalmaha Carafo. Walaalaha Soomaaliyeed waxaan ku boorrinayaa in ay ku dadaalaan garab istaagga dadka danyarta ah, taas oo  ka mid ah acmaasha ugu wanaagsan ee Rabbi loogu dhowaado.

Ugu dambeyntii, waxaan Alle ka baryayaa in uu ciiddan teeda kale nagu gaarsiiyo barwaaqo, midnimo iyo horumar ballaaran oo ay dadkeenna iyo dalkeennuba ku tallaabsadaan.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Maxaa ka soo kordhay xiisadii dagaal ee u dhexeysay dalalka Israel iyo Iran?

Caydiid Ali

Shirkadaha Isgaarsiinta oo Beeniyay Qoraalkii Wasiirka Boostada iyo Isgaarsiinta Somalia

Cabdi Cade

Masuuliyiin Musuq maasuq lagu eedeeyay oo xil ka qaadis lagu sameeyay (Akhriso Digreeto)

Cabdi Cade
Taboola Ads ---