(Sawirro) ATMIS oo baneysey saldhig muhiim ah oo ku yaalla duleedka Muqdisho

Ciidanka Xasilinta ee sida militariga u tababaran ee Military-Police (MP) ayaa ATMIS kala wareegay fariisimahoodii degaanka Arbacow ee duleedka magaalada Muqdisho.

Taliyaha Ururka 3-aad, Guutada 22-aad ee ciidamada Maxamed Soomaali ayaa si buuxda amniga deegaankaas iyo degaannada kale ee ku dhaw la wareegay.

Tani ayaa qeyb ka ah dadaallada dowladdu ugu jirto sidii ciidamada qalabka sida ee Soomaaliya ay si buuxdo ATMIS  ugala wareegi lahaayeen guud ahaan amniga dalka.

Waa Fariisimihii saddexaad ee la wareejiyo iyadoo qayb ka ah qorshaha dhimista 2000 oo askari ilaa 30-ka Juun 2023-da.

Dhinaca kale, Wafdi uu hogaaminayo Taliyaha Ciidanka ATMIS Sarreeye Guud Sam Okiding, ayaa booqday ciidamada UPDF ee fadhigoodu yahay Qoryooley iyo Janaale, si ay u qiimeeyaan u diyaargarowgooda halwgallada, niyadana ugu dhisaan.

Sarreeye Guud Okiding ayaa ku ammaanay ciidamada sida ay uga qeyb qaataan sugidda amniga Soomaaliya iyo sida ay bulshada uga ilaaliyaan Al-Shabaab iyo kooxaha kale ee hubeysan.

Taliyaha ciidanka ATMIS aya sidoo kale la kulmay madaxda deegaanka oo uu kala hadlay sidii la isaga kaashan lahaa la dagaalanka argagixisada.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

- Advertisement -