Haweeney isku daldashay degaan ka tirsan Gobolada dhexe & faahfaahino ka soo baxaya

Sida ay sheegayaan wararka naga soo gaaraya gobolka Mudug degaanka Toorag oo gobolkaas ka tirsan ayaa waxaa shalay gelinkii dambe lagu arkay meydka haweeney loo malaynayo iney isdal-dashay.

Dadka degaanka ayaa sheegay iney arkeen meydka haweeneysan oo geed ka laad laada, iyadoo uu qoorta ugu xiran yahay xarigii ay isku dal dashay.

Ciidamada maamulka Galmudug ayaa gaaray goobta uu falkan ka dhacay, iyagoo ka dib meydka haweeneyda geeyey isbitaalka magaalada Gaalkacyo si ay baaritaan ugu sameeyaan.

Haweeneydan oo da’deeda lagu qiyaasay 30-35 sano jir ayaanay jirin dhaawacyo kale oo jirkeeda ku yaalla, ayna u badan tahay iney iyada isu geysatay dilka sida ay sheegeen saraakiisha booliska Galmudug.

Lama oga illaa hadda sababta ay haweeneysan isku daldashay, iyadoo falalka noocan ah ay mudooyinkan ku soo badanayeen degaano ka tirsan dhulka Soomaalida.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia

Allbanaadir@live.com 

- Advertisement -