Allbanaadir.com
NEWS

Al Shabaab oo si adag uga hadashay Duqeymo khasaaro geestay oo Jubbooyinka ka dhacay

Diyaaradaha dagaalka dalka Kenya ayaa duqeymo dhaliyay khasaarooyin kala duwan maalmihii lasoo dhaafay ka geestay deegaanno iyo degmooyin katirsan gobolada Jubbooyinka, gaar ahaan goobo ay maamulaan Al Shabaab.

Duqeymahan ay geesteen diyaaradaha dagaalka dalka Kenya ayaa la sheegay in ay dhaliyeen khasaarooyin nafeed oo soo gaaray dad shacab ah, waxaa sidoo kale khasaarooyin kasoo gaareen gaadiid iyo guryo.

Guddoomiyaha Al Shabaab ugu magacaaban gobolada Jubbooyinka Sheekh Maxamad Abuu Cabdalla ayaa sheegay in duqeymo ay diyaaradaha dagaalka Kenya ka geesteen Saakoow, Salagle iyo Jilib ku dileen dad shacab ah .

Abuu Cabdalla ayaa sheegay in duqeymaha diyaaradaha Kenya geesteen ay ku geeriyoodeen saddex haween, waxa uu sidoo kale xusay in ay jiraan dhaawacyo soo gaaray dad shacab ah iyo khasaaro badan oo gaaray gaadiid iyo guryo dad shacab ah leeyihiin.

Hoggaamiyahan  katirsan kooxda Al Shabaab ayaa sheegay in ay guddi uxilsaareen qiimeynta iyo la socodka waxyalladii duqeymaha kasoo gaartay shacabka, islamarkaana eysan ku fiirsan doonin dhibaatada soo gaartay.

Diyaaradaha dagaalka dalka Kenya ayaa marar badan duqymo culus ka geestay gobolada Jubbooyinka iyo Gedo, duqeymahaasi qaarkood ayaana khasaraooyin isugu jira dhimasho iyo dhaawac kasoo gaareen dad shacab ah oo u badnaa reer guuraa.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Puntland oo si kulul uga hadashay Wararka sheegaya in la sii daayey raggii dilay Caa’isha Ilyaas

Caydiid Ali

Hanti dhowrka guud ee Qaranka oo dhimay dhaqaalaha la siiyo Maamulka G/Banaadir

Caydiid Ali

DF oo xabsiga dhigtay Ma’suul ka tirsan Shirkadda Favori

Caydiid Ali
Taboola Ads ---