Allbanaadir.com
MUQDISHONEWS

Maxay ka wada hadleen Madaxweyne Xassan Shiikh iyo António Guterres?

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa magaalada New York kula kulmay xoghayaha Qaramada Midoobay Mudane António Guterres.

Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud iyo Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay Antonio Guterres, ayaa ka wada hadlay arrimo badan oo ay ka mid yihiin nabadda , amniga, xasilinta, iyo xaaladda bini’aadantinimo ee Soomaaliya.

Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay Antonio Guterres ayaa dowladda Federaalka Soomaaliya ku bogaadiyey guulaha wax ku oolka ah ee ay ka gaartay dagaallada ka dhanka Al Shabaab, kuwaasoo laga xoreeyay deegaanno badan oo dalka ah.

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa magaalada New York kaga qeybgaley shirka Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay, isagoo ka jeediyay Khudbad uu uu kaga hadlay xaalada dalka, amniga iyo qaadista cunaqabateynta hubka saaran Soomaaliya.

Related posts

Farmaajo oo ka hadlay Shirka Garawe iyo arrimo uu kala hadlay Madaxweyne Xasan

Cabdi Cade

Xiliga la bilaabayo wejiga 1aad ee Mashaariicda Qatar ka fulineyso Somalia oo la shaaciyey

Caydiid Ali

Shirkii uu ku baaqay RW Rooble oo weji kale yeeshay iyo Madaxweyne Farmaajo oo..

Caydiid Ali
Taboola Ads ---