Iran oo Xukun adag ku riday Anousheh Ashouri oo lagu eedeeyay Dambi culus

Dowlada Iran ayaa xukun adag oo xabsi ah iyo ganaax lacageed ku riday haweeney u dhalaay dalkaasi idoo kale heesata dhalashada dalka Britain oo lagu helay in ay u jaasuuseesay Sirdoonka Isra’il.

Anousheh Ashouri ayaa lagu xukumay 10-sano oo xabsi ah iyo in uu bixiso ganaax lacageed oo gaaraya $36,600, haweeneydan ayaana lagu helay in ay basaas u aheyd sirdoonka Israa’iil ee Mossad.

Xafiiska Arrimaha Dibedda ee UK ayaa xaqiijayay xukunka adag ee lagu riday haweeneysan heesata dhalada Britain, waxa ayna dowlada UK balan qaaday in ay taageereyso qoyska haweeneydan xukunka lagu riday.

”Sida loola dhaqamo dadka haysta jinsiyadaha kala duwan ee lagu xira Iran, waxaan kiisaskooda ula tacaalaynaa si gaar ah oo ku saleysan heerka ugu sareeysa. Waxaan Iran ku boorrinaynaa in dadkaasi iyo qoysaskooda ay dib u mideeyaan.” ayaa lagu yiri Qoraalka kaoo baxay Xafiiska Arrimaha Dibedda ee UK.

Dowlada Iran ayaa sanadihii ugu dambeeyay xir xirtay qaarkoodna xukuno ku riday dad badan oo u dhashay dalkaasi, balsa heestay dhalashada wadamo shisheeye, dadkaas ayaana lagu eedeeyay in ay Jawaasiis ahaayeen.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia

Allbanaadir@live.com

- Advertisement -