Allbanaadir.com
MUQDISHONEWS

Xassan Shiikh oo saxiixay Magacaabista taliyaha XDS iyo taliyaha ciidanka Lugta

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa saxiixay Wareegtada lagu magacaabay Taliyaha Ciidanka Xoogga Dalka Sarreeye Guuto Ibraahim Sheekh Muxiyadiin iyo Taliyaha Ciidanka Lugta Sarreeye Guuto Axmed Aadan Cali, isagoo tixraacaya qodobbada 87-aad, 90-aad ee Dastuurka Federaalka Soomaaliya iyo Xeerka Lr. 15 ee soo baxay 1960 kuna saabsan Dhismaha Ciidanka Xooga Dalka.

Madaxweynaha ayaa xusay in muwaadin kasta oo Soomaaliyeed, shacab iyo ciidanba ay maanta hortaallo masuuliyad adag oo ku saabsan xoreynta dalka, isagoo bogaadiyey sida naf-hurnimada leh ee Ciidamada Qalabka Sida iyo shacabka Soomaaliyeedba ay uga go’an tahay in dalka laga sifeeyo argagixisada Alshabaab.

Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa kula dardaarmay Taliyaha Cusub Sarreeye Guuto Ibraahim Sheekh Muxiyadiin in uu halkaas ka sii amba-qaado dagaalka dalka lagaga xoreynayo argagixisada Alshabaab iyo dib u dhiska CXD.

Xeerkan Madaxweyne ayaa ku dhaqan-galay Maanta oo Isniin ah, 19-ka Jannaayo 2023, saxiixa Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Nin mindi ku hubeysan oo dil iyo dhaawac u geestay dad Israa’iiliyiin ah

Cabdi Cade

Daawo Video: “Siyaasiga C/raxmaan C/shakuur oo dhaliilay siyaasadda A/Dibadda ee dowladda Somalia

admin

Dowlad si qarsoodi ah u siisay Ururka Xamaas Diyaarado iyo Qalab kale oo casri ah

Cabdi Cade
Taboola Ads ---