Allbanaadir.com
MUQDISHONEWS

Jubbaland oo ka jawaabtay hadal ka soo yeeray Wasiirka amniga DF (War-Saxaafadeed)

Madaxweyne ku-xigeenka koowaad ee Jubbaland Maxamuud Sayid Aadan iyo xubnaha Golaha wasiirrada Jubbaland ee ka soo jeeda gobolka Gedo ayaa War ka soo saaray xiisadaha siyaasadeed ee ka soo cusboonaaday gobolka Gedo.

Maxamuud Sayid Aadan oo ka hadlayey shir jaraa’id oo lagu qabtay magaalada Kismayo ayaa wax lala yaabo ku tilmaamay xaalada ka taagan gobolka Gedo, isagoo si dadban u dhaleeceeyey hadal ka soo yeeray Wasiirka amniga gudaha xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Maxamed Axmed Shiikh Cali (Doodishe) oo si cad uga hor-yimid maamulka cusub uu Madaxweynaha Jubbaland Axmed Madoobe u magacaabay gobolka Gedo.

“Waxaa la yaab noqotay in xaaladda gobalka Gedo laga abuurto shoqo nolol maalmeed ah taasoo lagu qaldayo jaaliyadaha dibadda islamarkaana lagu jahwareerinayo shacabka Jubbaland” ayuu yiri Madaxweyne ku xigeenka koowaad ee Jubbaland Maxamuud Sayid Adan.

Wasiirka Arrimaha gudaha, fedraalka iyo dib u heshiisiinta Jubbaland Maxamed Ibraahim Oogle  ayaa akhriyay War-murtiyeedkii Jubbaland ka soo saartay arrimaha gobalka Gedo kaasoo sidatan u qornaa:-

HOOS KA AKHRISO WAR-SAXAAFADEEDKA, KANA DAAWO HADALKA MAXAMUUD SAYID AADAN

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Ciidamo huwan ah oo howlgal ka sameeyay Deegaano ku dhaw dhaw Jamaame (Sawirro)

Cabdi Cade

Bajaajleyda Muqdisho oo helay xeelad ay isaga ilaaliyaan Cirbado la sheegay in la isku duro (Daawo Sawirro)

Cabdi Cade

Ciidamada Dowladda oo Muqdisho ku qabtay Burcad si xeeladeesan gaari u dhacday

Cabdi Cade
Taboola Ads ---