Allbanaadir.com
NEWS

Gabadhii ugu horaysay ee Muslim ah oo loo magacaabay garsoore heer Federaal ah dalka…

Golaha Senateka ee Maraykanka ayaa cod aad u yar ku ansixiyey garsoorihii ugu horreeyey ee Muslim ah ee xubin ka noqda maxkamadaha heer federaal ee dawladda Maraykanka. Madaxweynaha Maraykanka Joe Biden ayaa xilkan u magcaabay Nusrat Choudhury oo ka soo jeeda dalka Bangladeshi.

Nuarat ayaa xilal sare uga soo qabatay isbahaysiga u dooda xorriyadda madaniga ah ee Maraykanka ee fadhigiisu yahay gobolka Illinois. Iyada oo wakhti dheer caan ku ahayd inay u dhaqdhaqaado sinnaanta dadka kala jinsiyadaha ah, caddaaladda iyo amniga bulshada.

Golaha Senateka ayaa ku ansixiyey 50 cod oo ka mida 100 mudane ee golaha, halka ay diideen 49 mudane.

Nusrat ayaa fadhiisan doonta Maxkamad Degmo oo Federaal ah oo ku taalla New York.

Guddoomiyaha aqlabiyadda ee golaha Senateka Chuck Schumer ayaa Nusrat ku tilmaamay inay leedahay waayo aragnimo sare, karti iyo daacadnimo. Wuxuu sheegay inay khibrad u leedahay xuquuqda madaniga ah, taasina ay keeni doonto inay xirfadeeda ugu adeegto kursiga loo magcaabay ee heer Federaal.

Source Voa

Related posts

Kenya oo Codsi cusub u dirtay Maxkamada ICJ xili Cabdiqawi Axmed la bedelay

Cabdi Cade

Wasaarada Dowlada oo laga jaray Lacagihii Socodsiinta iyo Sababta ka dambeysa oo la ogaaday

Cabdi Cade

Taliban oo eedeymo kulul u jeedisay ciidamada Maraykanka ee ku sugan Kabul

Caydiid Ali
Taboola Ads ---