Deni oo balanqaad culus u sameeyey Guddiga TPEC ka dib doorashadii Puntland

Madaxweynaha Dowladda Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni, ayaa booqday Xarunta dhexe ee Guddiga Ku meel gaarka ah ee Doorashooyinka Puntland (TPEC).

Deni ayaa mahadcelin iyo  boggaadin la wadaagay Guddiga iyo dhammaan Shaqaalahooda heerarkooda kala duwan, isagoo ku amaanay shaqo  wanaagsan oo taariikhi ah iney qabteen, taasoo aheyd Doorashooyinkii Goleyaasha deegaanka Puntland 25-kii May 2023.

“Xubnaha sare ee Guddiga iyo Hawlwadeenada TPEC ee Xarunta Dhexe waxaan ku bogaadinayaa shaqadii adkeyd ee aad soo qabateen oo aheyd Hawl Hufan oo shacabka Puntland iyo daneeyayaasha maxaliga ah iyo kuwa caalamiga ahba u riyaaqeen” ayuu yiri Deni

Madaxweynaha waxa uu Guddiga iyo Hawlwadeenadaba u balanqaaday in Dowladdu ay sii wadi-doonto tayaynta iyo taagerida guddiga doorashoyinka.

Guddoomiyaha Guddiga Mudane Abdirsak Ahmed Said ayaa Madaxweynaha uga mahadceliyay booqashada, bogaadinta iyo mahadcelinta uu ugu yimi Guddiga.

Dhinaca kale, Madaxweynaha Dowladda Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni oo weheliyo Madaxweyne Ku-xigeenka Dowladda Puntland Mudane Axmed Cilmi Cismaan Karaash, ayaa xalay kulan Casho sharaf ah oo isugu jira isxogwareysi iyo soo dhoweyn u sameeyay Cabdirisaaq Khaliif Axmed Guddoomiyihii hore ee Maamulkii Somaliland iyo Isimada Gobolada Sool, Sanaag iyo Ceyn.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

- Advertisement -