Marwo Keria Ibrahim oo ogolaatay iney booqasho ku timaado Somalia (Daawo Sawirro)

Shirkii 140-aad ee Midowga Baarlamaanada adduunka ayaa lagu soo gebagebeyeey magaalada Doxa ee xarunta dalka Qatar, waxaana ka qeyb galay Wafdi heer sare ah oo ka kooban labada Aqal ee Baarlamanka Federaalka Soomaaliya oo uu hogaaminayo Guddoomiyaha Aqalka Sare Senator Cabdi Xaashi Cabdullaahi.

Waxaa shirkan la qabtaa sanadkiiba mar, waxaana inta badan diirada lagu saaraa hadba xaaladda taagan ee wadamada ku mideysan oo ay Soomaaliya ku jirto.

Shirkan ayaa gebagebadiisa waxaa laga soo saaray qodobo muhiim ah oo ay qeyb ka tahay wada-shaqeynta baarlamaanada aduunka iyo sidii wax looga qaban lahaa dhibaatooyin badan oo kajira dalalka caalamka qaarkood.

Dhinaca kale, Guddoomiyaha Golaha Aqalka Sare Sen. Cabdi Xaashi iyo Wafdigiisa ku sugan magaalada Dooxa ee dalka Qatar waxay shir gaar ah la qaateen Guddoomiyaha Golaha Federationka (Aqalka Sare) ee dalka Itoobiya Marwo Keria Ibrahim.

Labada dhinac waxaa ay adkeeyeen inay muhiim tahay in xiriir wada shaqayn iyo aqoon iswaydaarsi ay wada yeeshaan labada Gole.

Guddoomiyaha wuxuu u fidiyey casumaad Guddoonka Baarlamaanka Ethiopia inay ku yimaadaan Soomaaliya, kaasoo ay aqbashay, dibna xiriir ka soo samaynayso waqtiga ugu haboon.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho-Somalia

Allbanaadir@live.com

- Advertisement -