Allbanaadir.com
MUQDISHONEWS

Xassan Shiikh oo arrimo xasaasi ah kala hadlay wakiilada beesha caalamka (Sawirro)

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Dr Xasan Sheekh Maxamuud ayaa kulan la qaatay danjireyaasha iyo wakiillada Beesha Caalamka ee ka howlgala dalkeenna

Waxaa uu kala hadlay qodobo ay ka mid yihiin in Soomaaliya laga taageero xaqiijinta go’aamada Golaha Wadatashiga Qaranka si loo  hirgaliyo  hannaan doorasho oo ku dhisan matalaadda dadweynaha, taasoo saamayn wanaagsan ku yeelan doonta geeddi socodka siyaasadda dalka iyo soo kabashada dowladnimadeenna.

Madaxweynaha ayaa dul istaagay dadaalka dowlada ay ku bixineyso  xasilinta deegaanada laga xoreeyay argagixisada iyo gaarsiinta adeegyo bulsho oo dhameystiran, waxaana uu tilmaamay in loo baahan yahay taageero caalami ah si loo daboolo baahida baaxadda leh. Sidoo kale Madaxweynaha ayaa ka hadlay ahmiyadda ay Shacabka iyo dowladdaba u leedahay xaqiijinta qorshaha sannadka 2024 ee ku aaddan meelmarinta go’aamada masiirka ahaa, kuwaas oo ku saleysan in awoodda dib loogu celiyo shacabka, hirgelinta qorsha Ciidamanka Xooga Dalka  ay kula wareegayaa amniga dalka iyo ciribtirka argagixisada Al shabaab.

Danjireyaasha dalalka Maraykanka, Ingiriiska, Jarmalka Sweden, Norway, Finland, Denmark, Qaramada Midoobay, Midowga yurub iyo Midowga Afrika ayaa dowladda Federaalka Soomaaliya ku bogaadiyey guulaha wax ku oolka ah ee ay ka gaartay dagaallada ka dhanka khawaarijta Al Shabaab, iyagoo Sidoo kale  sheegay in dowladda Federaalka Soomaaliya ku garab taagan yahiin qorsheyaasha mudnaanta u leh Xukuumadda ee amniga, nabadda, xasilloonida iyo meelmarinta go’aamadii Golaha Watashiga Qaran.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Xasan Shiikh“Taliyaasha Ciidamada Maxaa ka galay Cov-19 Masa Cudurka ayaa Al Shabaab Noqday !!

admin

Xaaf oo ka hadlay doorashada maanta lagu qabanayo Dhuusamareeb, kuna tilmaamay..

Caydiid Ali

Somaliland: “Xoog & xeelad ayaan kaga hortagaynaa safarka Xamse”

Caydiid Ali
Taboola Ads ---