Mooshin Kalsooni kala noqosho ah oo laga gudbiyay Cali Gacal iyo Maxamed Xaashi

Xildhibaano katirsan Baarlamaanka Galmudug una badan garabka Ahlu Sunna ee dhawaan lagu biiriyay Baarlamaankii hore ee Galmudug ayaa maanta kulan xasaasi ah ku yeeshay magaalada Dhuuso Mareeb .

Qaar kamid ah Xildhibaanada kulanka ku yeeshay magaalada Dhuuso Mareeb ayaa la sheegay in ay saxiixeen mooshin ka dhan ah Gudoomiyaha Baarlamaanka Galmudug Cali Gacal Casir iyo Madaxweyne kuxigeenka maamulkaasi Maxamed Xaashi Carabey.

Guddoomiye ku xigeenka Baarlamaanka Galmudug Xareed Cali Xareed ayaa sheegay in Xildhibaano ku dhaw 90-Xildhibaano mooshin kasoo gudbiyeen Gudoomiyaha Baarlamaanka iyo Madaxweyne kuxigeenka Galmudug.

Dhinaca kale Gudoomiyaha Baarlamaanka Galmudug Cali Gacal Casir ayaa been abuur ku tilmaamay mooshinka laga gudbiyay, waxa uuna xusay in aysan jirin Xildhibaano uu aqoonsan yahay oo jooga Dhuuso Mareeb.

Mooshinkan Xildhibaanada wada ayaa la sheegay in ay taageersan yihiin Madaxweyne Xaaf iyo Madaxa Xukuumada Sheekh Shaakir, waxa ayna doonayaan in xilka xoog uga tuuraan Gudoomiyaha Baarlamanaka iyo Madaxweynaha kuxigeenka oo khilaaf kala dhaxeeyo.

Maamulka Galmudug ayaa xiligan u qeybsan labo garab oo xarumo u kala ah magaalooyinka Cadaado iyo Dhuuso Mareeb, waxaana marar badan fashilmay wadahadalo la doonayay in khilaafka xal looga gaaro.

 

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia

Allbanaadir@live.com

- Advertisement -