Xiisad xoogan oo ka dhalatay tageerayaal Kubada Cagta oo amaanay Saddam Xuseen

Ciyaar kubada cagta ah oo u dhaxeysay labo koox oo ka kala dhisan dalalka Aljeriya iyo Ciraaq ayaa la joojiyay iyada oon dhamaan , kadib markii taageerayaal Aljeriya u dhashay ay amaaneen kuna dhawaaqeen magaca Saddam Xuseen .

Taageerayaasha kooxda ka dhisan Al Jeeriya ayaa ku dhawaaqayay hal ku dhigyo ay ku amaanayeen  Saddam Xuseen , waxa ayna arintan ka careesiiyeen kooxda ka timid dalka Ciraaq oo garoonka ciyaarta oo socota 75-daqiiqo.

Dowlada Ciraaq ayaa aad uga carootay falka ay ku dhaqaaqeen taageerayaasha u dhashay dalka Aljeriya , Wasaarada Arimaha Dibadda Ciraaq ayaana si deg deg ah ugu yeertay safiirka Aljeriya u fadhiya Ciraaq si arinrtan wax looga weediiyo.

Wasaarada Arimaha Dibadda dalka Ciraaq ayaana si kulul u cambaareesay hal ku dhigada taageerayaasha kooxda Aljeriya u muujinayeen Hogaamiyihii hore ee dalka Ciraaq Saddam Xuseen oo dal dalaad lagu dilay.

Madaxweynaha xiriirka kubadda cagta Ciraaq Cabdul khaaliq Mascuud ayaa shaaca ka qaaday in uu shaqada ka tagayo hadii aan tilaabo deg deg ah laga qaadin taageerayaasha Aljeeriya ee taageerada u muujiyay Saddam Xuseen.

Xiriirka kubadda cagta ee Ciraaq sidoo kale ku hanjabay in xulkooda ay ka saarayaan tartanka inta hartay islamarkaasna ay kasoo horjeedaan waxa ay ugu yeereen “Hal ku dhigyada lagu taageeraya mintiddiinta iyo diktatooriyadda.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia

Allbanaadir@live.com

- Advertisement -