Allbanaadir.com
NEWS

Maxaa looga hadlay kulankii maanta ee Xildhibaanada Golaha Shacabka? (Sawirro)

Guddoomiyaha Golaha Shacabka Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe) ayaa shir guddoomiyay kalfadhiga seddaxaad kulankiisa 4-aad ee Golaha Shacabka oo ajandihiisu ahaa akhrinta koowaad ee Hindisa Sharciyeedka Sharciga Hay’adda Xisaabiyayaasha Soomaaliyeed.

Kulanka waxaa goob joog ahaa Ku-xigeenka Koowaad ee Golaha Shacabka Marwo Sacdiyo Yaasiin Xaaji Samatar iyo Ku-xigeenka Labaad Mudane Cabdullahi Cumar Abshirow. Kulanka ayaa waxaa ugu horeyn hadal ka jeediyay Wasiirka ku-xigeenka Wasaaradda Maaliyadda Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Cabdiqafaar Xaange, oo  warbixin ka siiyay Golaha Shacabka ayaa sheegay in sharciga uu nidaaminaayo qaab-howleedka mihnadda xirfadlayaasha xisaabiyaasha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya.

Xildhibaannada Golaha Shacabka ayaa ka dooday Sharciga Hay’adda Xisaabiyaasha Soomaaliyeed ee hadii sharcigeeda la ansixiyo la dhisi doono xirfadlayaal sarre oo ka shaqeeya xisaabaadka Dowladda ayaa waxay sheegeen in sharcigan uu leeyahay muhiimad gaar ah la marsiiyo guddiga maaliyadda si ay u soo turxaan bixiyaan, shaqada iyo habraaca loogu baahan yahay.

Guddoomiyaha Golaha Shacabka BJFS oo soo xiray kulanka maanta ayaa sheegay in Hindise Sharciyeedkan Hay’adda Xisaabiyaasha  Soomaaliyeed lagu wareejiyo Guddiga Maaliyadda si loo marsiiyo habriicii looga baahnaa, ka dibna ay dib ugu soo celiyaan fadhiga Golaha Shacabka si ay waajibaadkooda ugu gutaan Xildhibaannadda.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Faahfaahin: Masuul ka tirsan Mamulka degmada Balad xaawo oo la dilay

Caydiid Ali

Musharaxiinta oo laga Difaacayo weerar uga yimaada Dowlada iyo Villa Somalia oo qorshayaal cusub diyaarisay

Cabdi Cade

Sarkaal caan ah & askar kale oo dhintay qarax ka dhacay duleedka degmada Balcad

Caydiid Ali
Taboola Ads ---